Kooxda Real Madrid ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Sevilla kulan xiiso lahaa oo ka dhacay garoonka Roman Sanchez Pizjuan.
Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh oo ay labada kooxood kala qaybsadeen labada qaybood ee ciyaarta kulan si weyn loogu raaxaystay.
Kooxda Sevilla ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo Kooxda Real Madrid ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn oo ay ku doonayeen goolal
Daqiiqadii 21-aad ayay Sevilla dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Ivan Rakitic kaas oo laad xor ah ka dhaliyay Real Madrid
Kooxda Sevilla ayaa sii waday dadaalada ay ku doonayso in ay Real Madrid kaga dhaliso goolal ay ciyaarta ku disho ama ay hesho fursad ay ku dheeraysato hogaanka ciyaarta.
Daqiiqadii 25-aad ayay Sevilla dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Erik Lamela kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Sevilla ku hogaaminayso ciyaarta.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Sevilla hogaaminayso natiijada waliba soo bandhigeen qaab ciyaareed waali ah oo ay ku jabiyeen Real Madrid.
Qaybtii dambe ayay Real Madrid si waali ah ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay ciyaarta ku soo laabtaan ka hor inta ayna wakhtigu ka dhicin.
Daqiiqadii 50-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Rodrygo kaas oo ciyaarta dib u furay waliba rajo siiyay kooxdiisa.
Sevilla ayaa qaybta dambe ku jirtay difaac isla markaas qaadayay weeraro rogaal celis ah oo ay doonayeen in ay ku dilaan Real Madrid.
Laakiin Los Blancos ayaa goobo galisay koxda Sevilla si ay u dhaliso goolal ay ciyaarta ugu soo laabato kuna dhaliso goolka bar-baraha.
Daqiiqadii 74-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliay xiddiga Vinicius Junior laakiin Goolkaas ayaa la diiday kadib markii uu xiddiga Vinicius Junior gacanta ku taabtay kubada.
Real Madrid ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen dadaalada ay ku doonayeen in ay ku dhaliyaan goolka xilli ay Sevilla difaac gashay isla markaas cadaadis waali ah kala kulmayso Real Madrid
Daqiiqadii 82-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay daafaca Nacho kaas oo kooxdiisa ku soo celiyay ciyaarta kana dhigay 2/2 kadib dadaal waali ah oo ay sameeyeen.
Los Blancos ayaan halkaas ku joogsan waxana ay bilowday in ay raadiso goolal kale oo ay ku qabato hogaanka ciyaarta xilli ay Sevilla bilowday in ay difaaca ka soo baxdo si ay goolal u dhaliso.
Daqiiqadii 90+2-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Karim Benzema oo dhaamystiray soo laabashada kooxdiisa ee kulanka Xiisaha lahaa
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Sevilla talaabo-na u qaaday ku guulaysiga horyaalka La Liga
0 Comments