Baabuurta Jacaylka Ee Dalka Mozambique

 

Dhacdooyinka caalamka

Magaalada Maputo ee Caasimadda dalka Mozambique oo lagu tilmaamo kuwa ugu dib u dhacsan qaaradda Afrika iyo guud ahaan adduunku waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu liita adeega is gaadhsiinta isu socodka iyo gaadiidka dadweynaha

Waxa magaaladan ka dhex shaqeeya gaadiid caasimaddaha dunida ee kale ka mid ah gaadiidka xamuulka hasa yeeshee marka la joogo magaalada Maputo ee caasimadda dalka Mozambique ka ah gaadiidka dadweynaha ee sida basaska tareenada iyo Metro-ga oo kale loogu kala goosho magaalada dhexdeeda

Gaadiidkan oo badankiisu ah kuwa xamuulka loogu talo galay ee tobanka lixda iyo afarta tan ah waxa loogu yeedhaa Gaadiidka Jacaylka Ama baabuuta Jacaylka waxaanay ka dhex shaqeeyaan magaalada gudaheeda oo sida basaska iyo gaadiidka kale ee dadweynaha ay dadka u daad gureeyaan

Baabuurtan ayay dadka ku dhaqan caasimadda dalka Mozambique ee Maputo ay magacooda u soo gaabshaan “My Love” sababtoo ah? Waa baabuur buudhigooda rakaabku ay raacaan oo sida xoolaha oo kale loogu raseeyo malaha meelo la qabsado oo dadka rakaabka ah ayaa midba mid mid kale ee ugu dhow qabsadaa waana sababta baabuurta Jacaylka loogu magacaabay

Haddii ay dunida ceeb ama denbi ka tahay in sodon qof la saaro baabuur aan ammaankisu sugnayn oo aan waxyaabaha badbaaddada ah lahayn Mozambique waa wax caadi ah oo aan cidi kugula yaabayn waana gaadiidka ugu muhiimsan oo in qof ku qabsado oo uu waliba ku xajistaa maaha wax naadir ku ah halkan sidaa waxaa wakaalada wararka ku yidhi mid ka mid ah dadka reer Mozambique ee maalin walba ku safra gaadiidkan

Suxufiyiinta ka socday wakaalada wararka oo iyagu ka soo hayaamay magaalada oo gaadiidka dadweynaha ee ugu casrisan laga isticmaalo dhawaana laga badalay tareenadii iyo gaadiidkii hore ee gaboobay ayaa aad uga yaabay baabuurta waaweyn ee dadka rakaabka ah rag iyo haween ay dushooda ku safrayaan uguna kala gooshaayaan xaafadaha magaalada Maputo

Post a Comment

0 Comments