Labadan bisadood ayaa maalin walba heli doona hilib daray ah kaluun noocyo kala duwan ah oo waliba sidii bada lagaga soo saaray loogu keeni doono waxa suura gal ah in mararka qaarkood loo soo iibsho kaluunada aadka u yar yar ee webiyada iyo harooyinka laga soo saaro bisadahani xiliga qaboobaha waxay heli doonaan bustayaal demis ah iyo dhar aad u raaxo badan oo ay ku seexdaan waxaana habeen iyo maalin caafimaadkooda ka shaqayn doona dhakhtar u gaar ah oo ku takhakhusay caafimaadka xoolaha.
Haweenaydii lahayd labadan bisadood oo lagu magacaabi jiray Ellen Frey-Wouter oo ahayd qoraa iyo shaqaale horena uga ahayd Qaramada Midoobay ayaa siddeed iyo siddeetan jir ku dhimatay maalmo ka hor waxaanay ku dardaarantay in hantideeda marka cashuurta dawlada laga bixiyo baaqiga soo hadhay loo kala qaybiyo bisadaheedan iyo qof u shaqayn jiray waxaanay labadan bisadood siisay oo ay ka dhaxleen gurigii ay deganayd oo ku fadhiyaa dhul qiyaastiisu tahay 4270-square-foot iyo 300,000 US dollars
Haweenaydan ayaa dhaxalka hantideeda uga dhaaratay shan carruur ah oo ay dhashay iyo wixii ay sii dhaleen ee ay Eyeeyada u ahayd waxaanay go’aansatay inay dhaxalkeeda u kala qaybiso labadeedi bisadood ee la noolaan jiray sanadihii ugu danbeeyay nolosheeda sanadkan bilowgiisi ayay ahayd markii haweenay waayeel ah oo sagaashan jir ku dhimatay ay labo bisadood oo ay lahayd ka dhaxleen ilaa sadex milyan oo dollar haweenaydaas oo ku noolaan jirtay degaanka Tennessee ayaa ka hor intaanay dhiman dhaxalkeedi oo dhan ku qortay labadeedi bisadood ee lagu kala magacaabi jiray “Frisco iyo Jake” kuwaas oo noqday bisadihii ugu qanisanaa Maraykanka
0 Comments