Aabaha dunida ugu da’ada weyn 96 sano jir Aabe noqdey

 

Welldone Ramjeet Raghav

Caadiyaan waxaa la sheegaa in da’ada 40 ilaa 45 hadii haweenaydo ay gasho ay noqoto dhalmo days  inaanay uur qaadi walow taasi ku xiran tahay awooda Rabbi halka Ragga lagu sheego in ilaa da’ada 70 jir uu awood u leeyahay in uu ugxan ilmo dhalid ah uu bixin karo inkastoo ay taasi ku sii lamaansan tahay awoodaha ALLE ramjeet raghav oo ah nin beeraley ah oo u dhashay wadanka Hindiya isla markaana bishii $ 35 doolar ay dakhli ahaan u soo gasho shaqadiisa beer tacbashada ayaa noqdey aabaha dunida ugu da’ada weyn ka dib markii isagoo 96 sano jir ah xaaskiisa ay dhashay ilmihii labaad oo wiil ah

Ramjeet Raghav ma ahan markii ugu horeysay ee uu soo jiito saxaafada sanadkii 2010-kii isagoo 94 jir ah ayuu noqdey aabaha dunida ugu da’ada weyn xiligaasi oo uu u dhashay wiil uu ugu magac darey Bikramjeet inkasoo Ramjeet uu wacad ku marey inaanu dooneyn in ilmo dambe u dhasho hadana dhaartii uu qaatey isagu awoodeeda ma laheyn oo ilmo kale ayaa ALLE siiyey isaguna ma qaadin talaabadii uu arinkaasi ku hirgalin laaaa maxaan sameyn karaa tani waa waxay ku timid qadarta ALLE anigu qorshaha iguma jirin inaan ilmo dhalo xiligan ka dib laakiin way dhacdey waxaase markii dambe ogaadey in wiilkeyga weyn u baahan yahay in uu helo walaal ayuu yiri Ramjeet oo saxaafada kula hadlayey deegaanka Haryana oo 50 Km u jira magaalada New Delhi ee caasimada Hindiya

Ramjeet Raghav iyo xaaskiisa oo lagu magacaabo Shakuntala oo 54 sano jir ah waxaa wiilkoodu ugu dhashay Isbitaal dawladu leedahay oo ku yaal Gobolka Haryana ee waqooyiga Hindiya ramjeet iyo xaaskiisa waxay ku nool yihiin hal qof oo ka kooban bulikeeti waxaana ay leeyihiin rajo ay ku koriyaan labadooda wiil nolasheyda oo dhan waxaan ahaa beeraley laakiin wiilasheyda waxaan u doonayaa inay noqdaan shaqaale sare oo dawladeed ayuu yiri Ramjeet oo wiilasha u leh rajo ka wanaagsan tiisa waxay ku tahay arin wanaagsan in wiil kale ii dhasho hadii mid uu dhinto kan kale ayaa sii wadaya magaca qoyska ayuu hadalkiisa sii raaciyey Ramjeet

96 jir Ramjeet Raghav wuxuu sheegay in markii uu dhakhaatiirta u sheegay in uu yahay Aabaha xaaskiisa oo uur leh ay aad u qosleen isla markaana ay muujiyeen sida ay ula yaaban yihin arinkan ramjeet oo u waramayey saxaafada waxaa la waydiiyey su’aal aheyd maadama uu yahay nin da’diisu dhaaftey 90 sida uu ugu leeyahay awood ciyaaraha sariirta qosol ayuu la dhacay wuxuuna yiri sheeko ayaan kuu hayaa anigu waxaan leeyahay awood boodboodka sariirta aan habeenkii ku sameyn karo ilaa sadex jeer tanina waa hibo illahey

Rajmeet intaasi oo kaliya kuma koobini wuxuu sii raaciyey in dariskiisu ay had iyo goor ku hayaan su’aalo la xiriira awoodiisa xaga galmada & sida uu ku qancin karo xaaskiisa ramjeet ayaa kala wareegay da’da ninkii ugu da’ada weynaa ee Aabe noqda Nanu Ram Jogi oo ahaa nin beeraley ah oo u dhashay Hindiya oo sanadkii 2007-dii isagoo 90 jir ah xaas ay u dhashay ilmihiisii 21-aad Qaarada Yurub marka laga hadlayo gaar ahaan wadanka UK nin lagu magacaabo Raymond Calvert oo 79 sano jir ah ayaa sanadkii hore ee 2011 xaaskiisa oo 25 sano jir ah ay dhashy

aarada Yurub marka laga hadlayo gaar ahaan wadanka UK nin lagu magacaabo Raymond Calvert oo 79 sano jir ah ayaa sanadkii hore ee 2011 xaaskiisa oo 25 sano jir ah ay dhashy.

Post a Comment

0 Comments