Dal ka mid ah yurub ayaa la sheegay in qiimaha lagu iibsado dameeraha gaar ahaan kuwooda dhidig uu cirka isku shareeray ka dib markii dameero yaraan iyo caanahooda oo aad loo danaynayaa isku biirtay lagana waayay suuqyada iyo xitaa meelihii miyiga ee ay aadka ugu dhaqmi jireen caanaha laga liso dameeraha oo loo isticmaalo dawo dhaqameed iyo mid casri ah ayaa sababtay in la waayo waxaanu qiimahooda oo hore u ahaan jiray ilaa boqol iyo konton dollar uu imika gaadhay in ka badan afar boqol oo dollar
Sida ay ku warantay jariirada afka Ingiriisiga ku soo baxda ee “Hurriyet Daily” qiimaha halka litir ee caanaha dameeraha ayaa gaadhay ama lagu iibiyaa dalkaas boqol yuuro oo lacagta oo u dhiganta afar iyo sodon dollar haweenayda leh shirkada ugu balaadhan ganacsiga caanaha dameeraha ee dalkaas oo lagu magacaabo Turkan Aegrebuyon oo afar iyo sodon jir da’deedu tahay ayaa wargeyska u sheegtay in beerteedu ay dhaqaalayso ama lagu xanaaneeyo ilaa boqol iyo konton dameer oo dhidig ah kuwaas oo caano badan soo saara intooda badana dibada dalkaas loo dhoofiyo
Haweenaydan ayaa wargeyska u sheegtay in cuduro tiro badan lagu daweeyo caanaha Dameeraha waxaana ka mid ah ayay tidhi Kansarka sanbabada ku dhaca xanuunada madax xanuunka ee dhan jafka iyo maskax faradka u badan sida ay tilmaantay qiimaha dameeruhu waxa uu markii hore dalka ka ahaan jiray ugu badnaan labo boqol hasa yeeshee muddooyinkii ugu danbeeyay waxa uu kor ugu kacay shan jeer laab oo waxa uu gaadhay kun yuuro iyo ka badan sida ay ku warantay waxa ay maalin walba soo saartaa beerteedu ilaa afar iyo toban litir oo caanaha dameeraha ah kuwaas oo markiiba la iibsado lamana dhigo dhulka ayay tidhi oo iibkooda ayaa xaami ah
Cudurada ugu badan ee lagu daweeyo caanaha dameeraha ayaa dhakhaatiirtu sheegeen inay ka mid yihiin dhiig yaraanta iyo xanuuno kale oo tiro badan waxaanay caanaha dameeruhu leeyihiin sida ay dhakhaatiirtu sheegayaan borotiino badan oo xoojiya habka difaaca jidhka aadamiga sida ay jariirada “Hurriyet Daily” ku warantay meelo badan oo dunida ah ayaa caanaha dameeruhu ka noqdeen qaali oo iibkoodu cirka isku shareeray isla markaana isticmaalkoodu aad u kordhay waxaanay ku biireen meelo badan oo dunida ka mid ah dawooyinka aadka loo raadiyo loona daneeyo, hasa yeeshee dhibta ugu wayn ayaa ah xadigooda oo aad u yar sababtoo ah? Caanaha laga liso halka Dameer ayaan ka badnayn kubaayad ama dare ugu badnaan
0 Comments