Meta iyo TikTok oo guul ka gaaray Midowga Yurub dacwad ku saabsan cashuuraha adeegyada dijitaalka
Shirkadaha caanka ah ee Meta iyo TikTok ayaa guul ka gaaray maxkamadda guud ee Midowga Yurub kadib markii ay dacwad ka gudbiyeen habka loo xisaabiyo cashuuraha la saaray shirkadaha waaweyn ee internet-ka iyadoo lagu saleynayo Digital Services Act (DSA).
Maxkamaddu waxay sheegtay in habka loo dejiyay xisaabinta lacagaha uu ahaa "qalad sharci ah", maadaama uu ku dhisnaa go’aamo fulineed (implementing decisions) halkii uu ka ahaan lahaa sharci hoosaad (delegated act). Sidaas darteed, Midowga Yurub waxaa la siiyay muddo 12 bilood ah si ay sharci ahaan dib ugu saxaan habraaca.
Inkasta oo aan shirkaduhu dib loogu celin doonin lacagihii la qaaday 2023, haddana go’aanka maxkamadda wuxuu muujinayaa in shirkadaha tiknoolajiyadda ay awood sharci u leeyihiin inay caqabad ku noqdaan nidaamyada cusub ee Yurub.
Shirkado kale oo waaweyn sida Amazon, Apple, Google, Microsoft, Snapchat, Pinterest, iyo X (Twitter hore) ayaa iyaguna dacwado ka gudbiyay nidaamka.
Go’aankan ayaa loo arkaa guul astaan u ah shirkadaha tiknoolajiyadda, balse Midowga Yurub wuxuu sheegay in arrinta ay tahay sixid farsamo, islamarkaana mabaadi’da iyo lacagaha lagu xisaabiyay ay sax ahaayeen.
.webp)
0 Comments