Madaxweynaha Soomaaliya oo Kulan la yeeshay Amiirka Dalka Qatar
Doha – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan muhiim ah kula qaatay Amiirka Dowladda Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, xarunta qasriga madaxtooyada ee dalkaasi.
War kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Amiirka Qatar uga warramay taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee walaalahooda reer Qatar, isagoo xusay in aan marnaba la aqbali karin in la taabto madaxbannaanida, sharafka iyo amniga Qatar.
Dhankiisa, Amiir Sheikh Tamim ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed taageerada walaaltinimo ee ay la garab taagan yihiin dalkiisa, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda xiriirka dhow iyo iskaashiga labada dal.
Kulankan ayaa markale muujiyay heerka sare ee xiriirka diblumaasiyadeed iyo midka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, kuwaas oo ku dhisan kalsooni, is ixtiraam iyo wadajir lagu horumarinayo danaha labada dal.

0 Comments