Inkastoo lagu sagootiyay Koobka Kooxaha Adduunka, Al-Ahly ee Masar ayaa qoray taariikh cusub
Kooxdii ugu horeysay ee kooxda Al-Ahly ee dalka Masar ayaa heerka guruubyada ku sagootiyay koobka kooxaha aduunka ee FIFA, iyadoo ay taasi jirto ayaa kooxda waxaa u suuragashay in ay taariikh cusub ka qorto tartankan oo markii ugu horeysay ay ka qeyb galayaan 32 kooxood.
Tani waxay ahayd markii tobnaad ee Al-Ahly ay ka qaybgasho koobka kooxaha aduunka, iyo markii shanaad oo xidhiidh ah ee tartankan, waxaana natiijooyinkii ugu wacnaa ee kooxdu ay hore uga soo qayb gashay ay soo gashay kaalinta saddexaad, waxaanay ku guulaysatay bilada maarta 4 jeer 2006, 2020, 2021 iyo 2023.
Inkasta oo Al-Ahly ay qaab ciyaareed fiican soo bandhigtay kulankii Inter Miami ayna ku dhawaatay in ay guul ka gaadho furitaanka tartankan, haddana waxay ku degtay barbaro, ka dibna waxay wajahday Palmeiras, balse may samayn dalabkii laga filayey, waxaana lagaga adkaaday laba gool oo nadiif ah.
Inkasta oo ay 4-4 ku kala baxeen FC Porto kulankii saddexaad ee ugu dambeeyay ee heerka Group-yada, isla markaana ay labada kooxood si rasmi ah uga soo baxeen tartanka, haddana Al-Ahly ayaa tirooyin badan ku gaadhay iska horimaadkan, waxaanay abuurtay taariikh cusub oo ay ku leedahay horyaalka adduunka.
Waxaa laga yaabaa in mid ka mid ah tirooyinka ugu caansan ee ay gaartay Al-Ahly ay tahay inay noqotay kooxdii ugu horreysay ee Carbeed ee 4 gool ka dhalisay koox Yurub ah tartamada Koobka Kooxaha Adduunka. Sidoo kale waxa ay noqotay kooxdii ugu horaysay ee Carbeed ee hal kulan ka dhaliya koobka kooxaha aduunka 2025 nidaam cusub oo ay ku ciyaarayso 2025, sidoo kale waxa ay noqotay kooxdii Carbeed ee goolasha ugu badan ka dhalisay koobka aduunka wakhtigan.
Al-Ahly ayaa sidoo kale noqotay kooxda Afrika ee dhalisay goolasha ugu badan hal kulan tartankan, kadib markii ay dhaaftay kooxda Mamelodi Sundowns ee South Africa oo 3 gool ka dhalisay Borussia Dortmund.
Al-Ahly ayaa sii joogtaysay taariikh ahaan guuldarro la’aan kooxaha Portugal, ka dib markii ay laba jeer oo hore ka badiyeen Benfica.
Tani waxay noqotay markii ugu horeysay oo Al-Ahly ay hal kulan ka dhaliso 4 gool koobka kooxaha aduunka.
Ciyaaryahanka reer Falastiin Wissam Abu Ali, weeraryahanka kooxda, ayaa awooday inuu dhaliyo 3 gool (hat-trick), isagoo noqday ciyaaryahankii labaad ee seddexley ka dhaliya koox Yurub ah tartamada FIFA, kadib halyeygii Brazil Pele, oo ka dhaliyay Benfica 1962kii.
Sidoo kale waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Al-Ahly oo saddex gool u dhaliya kooxda koobka kooxaha aduunka,waxana uu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Carab ah ee tiradan gool ka dhaliya tartankan oo wata nidaam cusub.
Sidoo kale waxa uu noqday ciyaaryahankii labaad ee Carbeed ee ku guulaysta inuu saddexley ka dhaliyo taariikhda koobka kooxaha aduunka tan iyo 2000,kadib Hamdo Al-Huni (Esperance) oo ka hortimid Al-Sadd 2019,waxana uu noqday ciyaaryahankii lixaad ee koofiyad ka dhaliya taariikhda koobka kooxaha aduunka tan iyo 2000.
0 Comments