Soomaaliya ayaa soo dhaweysay taageerada Mareykanka uu Afrika uga qoondeynayo kuraasta joogtada ah ee Golaha Ammaanka
Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Abuubakar Cismaan, ayaa soo dhaweeyay taageerada Mareykanka ee ku aaddan in Afrika laga siiyo laba kursi oo joogto ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Danjire Othman ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid aad u wanaagsan, isagoo xusay inay muhiim tahay in wax laga qabto dal-daloolada taariikhiga ah ee ka jira hannaanka dowladnimo ee caalamka.
Ku dhawaaqistan ayaa ku soo beegantay iyadoo Soomaaliya ay dhawaan u dabbaal degeysay doorashadeeda xubinnimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, taasoo billaaban doonta sanadka 2025-ka.
Doorashada Soomaaliya oo dhacdey 6-da Juun 2024, waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay dowladnimada, waxayna ka tarjumeysaa sida ay diyaarka ugu tahay in ay si wax ku ool ah uga qeyb qaadato arrimaha nabadda iyo amniga caalamiga ah inta lagu guda jiro muddada xilka.

0 Comments