Mudane Cali Shaaban oo la kulmay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin

 Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilaabay ka doodista cutubyada Dastuurka


Mudane Cali Shaaban iyo Sacdiya Yaasiin

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shaaban Ibraahim iyo Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka.

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa xubnaha Guddiga Dastuurka kala hadlay sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen ka doodista Afarta cutub ee ugu horreeya Dastuurka, sidii loo agaasimi lahaa ka doodista iyo go’aaminta xilliga laga doodayo cutubyadaas.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha guurtida Mudane Cabdallah Cali Xirsi “Timaadi” iyo xoghayaha guud ee golaha guurtida.

Post a Comment

0 Comments