Bangiga Adduunka ayaa ogolaaday in Soomaaliya uu siiyo deeq lacageed oo dhan 75 milyan oo dollar
Guddiga Sare ee Kooxda Bankiga Adduunka ayaa xaqiijiyay ansixinta deeq lacageed oo dhan US$ 75 milyan oo loogu talagalay Soomaaliya si loogu taageero miisaaniyadda.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tilmaantay, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee “SUNA”, in ay soo dhoweyneyso taageerada dhaqaale ee uu Bangiga Adduunka ugu deeqo Soomaaliya.
Shalay oo Isniin ahayd, fadhi wadajir ah oo ay yeesheen wakiillada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ayaa ansixiyay miisaaniyadda qaranka ee sanadka 2023-ka oo wax ka bedel lagu sameeyay.
0 Comments