Isbaanishka ayaa ku baaqaya in wax laga bedelo sharciga Isbaanishka si loola dagaalamo cunsuriyada ka jira garoomada ciyaaraha

 Baaritaanka ayaa sii socda. 7 qof ayaa loo xiray kiiska Vinicius Jr


Vinicius Jr

Maanta oo Talaado ah, booliska Spain ayaa xiray 7 qof oo lala xiriirinayo labo dhacdo oo cunsurinimo ah oo lagula kacay weeraryahanka Brazil iyo Real Madrid Vinicius Junior, oo ay ku jiraan 3 ka dhacay Valencia iyo 4 Madrid ah, Isbaanishka ayaa ku baaqay in wax laga beddelo sharciga Spain si loo helo awood. si loola dagaalamo midab-takoorka garoomada.

Waxayna booliisku ku dhawaaqeen goor hore oo maanta ah in afarta qof ee ay ku xireen Madrid ay sida muuqata xiriir la leeyihiin baaritaanka lagu soo laadlaadiyay dool xirnaa shaadhka Brazilian Vinicius Junior ee buundada caasimadda Spain bishii Janaayo ee la soo dhaafay.

Xarigan ayaa imaanaya laba maalmood kadib markii tacadiyo cusub oo cunsurinimo ah lagu sameeyay weeraryahanka da’da yar ee Real Madrid, ciyaar ka tirsaneyd horyaalka kubadda cagta Spain ee ka dhacayay dhulka Valencia, taasoo dhalisay falcelisyo cambaareyn ah oo ka yimid caalamka oo dhan.

Sidoo kale gudaha Brazil, nalalka taallada caanka ah ee Christ ee Rio de Janeiro ayaa la damiyay hal saac, fiidnimadii Isniinta, si ay u muujiyaan midnimada Vinicius Junior, kaas oo lagula kacay cunsurinimo intii ay socotay ciyaar gudaha Spain ah.

Dowladda Brazil ayaa ugu baaqday maamulka Spain iyo maamulka ciyaaraha inay ciqaabaan kuwa mas’uulka ka ah "weeraradii cunsuriyadda" ee ka dhanka ahaa ciyaaryahanka, xilli madaxweynaha FIFA Gianni Infantino uu muujiyay sida uu u garab taagan yahay una taageersan yahay weeraryahanka Real Madrid.

Junior ayaa ku eedeeyay La Liga iyo Spain cunsurinimo ka dib markii lagu xadgudbay tarabuunka intii ay socotay guuldaradii Valencia ka soo gaartay garoonka Mestalla stadium Axadii.

Vinicius ayaa ka horyimid taageerayaashii soo weeraray, waxayna ciyaartu joogsatay muddo 10 daqiiqo ah, kadibna waxa ay isku dhaceen ciyaartoyda Valencia, waxaana laga saaray qeybtii labaad ee ciyaarta.

Vinicius ayaa ciyaarta ka dib ku soo qoray bartiisa Twitter-ka”Ma ahayn markii kowaad,labaad iyo mar saddexaad, cunsuriyada ayaa caadi ka ah horyaalka Spain,maamulka tartanka ayaa u arka in ay tahay wax iska caadi ah.

Waxa uu intaa ku daray, “horyaalka waxaa lahaan jiray Ronaldinho, Ronaldo, Cristiano iyo Messi, maantana waxaa iska leh cunsuriyiinta.

La Liga ayaa sheegtay inay codsan doonto dhammaan muuqaallada la hayo si loo baaro dhacdada.

"Haddii aan aqoonsanno dambiyada nacaybka, waxaan qaadi doonaa tallaabo sharci ah oo ku habboon," ayay ku dartay hadalkeeda.

Post a Comment

0 Comments