Imaaraadka ayaa ah dalkii ugu horeeyay oo gurmad u fidiyay dadka ay saameeyeen fatahaadaha gobolka Hiiraan
Madaxa Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed Maxamuud Mucalim Cabdali ayaa uga mahad celiyay Safaaradda Imaaraadka Carabta kaalmada ay soo gaarsiisay dadkii ku waxyeeloobay fatahaadda wabiga Shabeelle ee ka dhacday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Imaaraatka Carabta ayaa noqday wadankii ugu horeeyay ee gurmad raashin ah u fidiyay dadka ay saameeyeen fatahaada wabiga Shabeelle oo ku fatahay xaafado ka tirsan magaalada Baldwin oo sababtay barakaca kumanaan qof oo guryahooda ka barakacay.
Waxaa xusid mudan in Soomaalida sanadihii ugu dambeeyay ay la ildaranayeen abaaro is-daba-joog ah iyo fatahaado ka dhashay isbeddelka cimilada, magaalada Baldwin ayaa muddo dheer ka mid ahayd magaalooyinka ay fatahaaduhu saameeyeen.
0 Comments