Soomaaliya oo qabatay shir miro dhal ah oo looga hadlay cafinta daymaha

 Soomaaliya ayaa kulan miro dhal ah oo ku saabsan cafinta deymaha ay kula yeelatay Kenya hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka


Kulan muhiim ah oo ka dhacay Nairobi

NAIROBI – Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furmay shir muhiim ah oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka. Wafdiga ka socda dowladda oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda ayaa lafo-guri doona arrimo muhiim ah oo ku saabsan shuruudaha barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, iyo horumarinta maamulka guud ee arrimaha maaliyadda dalka.

Kulanka ayaa looga hadlayaa sidii diiradda loo saari lahaa gudashada deymaha lagu leeyahay Soomaaliya iyadoo la tixgelinayo shuruudaha iyo barnaamijka muhiimka ah ee lagu gaari karo halka la marayo.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo si rasmi ah u furay shirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dhaqan geliyo qodobadii lagu heshiiyey, dardargelinta dakhliga gudaha iyo xoojinta hannaanka maamulka maaliyadda dalka.

Maanta waxa bilaabmaya dib u eegista shanaad ee barnaamijka ECF ee Sanduuqa Lacagta Adduunka. Waxaan ka hadli doonaa horumarka aanu ka samaynay dakhliga gudaha, hawl-galka maaliyadda iyo maamul wanaaga,” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu, waxaanu yidhi “Waxaa naga go’an inaan sii xoojino nidaamka maaliyadeed ee dalkeena.

Post a Comment

0 Comments