Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man United iyo xulka qaranka France ee Raphaël Varane ayaa Si Rasmi ah uga fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah.
Xiddiga Raphaël Varane ayaan mar kale u ciyaari doonin xulka qaranka France kadib markii uu shaaciyay in uu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah.
Raphaël Varane ayaa muhiim ka ahaa xulka qaranka France sanadihii ugu dambeeyay isaga oo la gaadhay labadii final ee ugu dambeeyay ee koobka adduunka.
Xiddiga Raphaël Varane ayaa ka fadhiistay ciyaaraha xulka qarankiisa inkasta oo uu wali yahay xiddiga 29 jir ah isla markaas uuna gaadhin wakhtiga ciyaaraha caalamiga ah looga fadhiisto.
Raphaël Varane oo xulka France kula guulaystay koobka adduunka sanadkii 2018 ayaa haatan si Rasmi ah u shaaciyay in uu ka fadhiistay ciyaaraha France .
Varane ayaa haatan kaliya u ciyaari doona kooxda Man United taas oo war fiican u ah kooxda Erik Ten Hag maadama uu Nasan doono inta lagu jiro kulamada xulalka.

0 Comments