Ciidanka xooga dalka oo kaashanaya shacabka ayaa dagaal kula jira alshabaab.

ciidanka qaranka.

Iskaashi xukuumadda cusub iyo shacabka si meesha looga saaro dhaqdhaqaaqa dhalinyarada, ee alshabaab oo ay ciidamada difaaca qaranka iyo shacabka soomaaliyeed isukaashadeen sidii meesha looga saari lahaa, iyadoo hadana dagaalo xoogan lagu hayo lagana qabsaday degaano badan oo katirsan gobolka hiiraan iyo deegaano kale labadaba, waxaynu odhan karnaa iskaashiga ciidanka iyo shacabku waxay soo dedejinaysaa soo afjarida alshabaab.


Si loo iftiimiyo in shacabka ay isu uruursanayaan sidii looga takhalusi lahaa dhaqdhaqaaqa argagixisada ee al-Shabaab, ciidanka xoogga dalka ayaa ku dadaalaya sidii ay uga takhalusi lahaayeen kooxda argagixisada ah ee al-Shabaab, shacabka degaanada dagaaladu kasocdaan ayaa aad u garabtaagan ciidanka xooga dalka, iyagoo meel ugasoo wada jeeda argagixisada deegaanadan kusugan rabana in sida ugu dhakhsaha badan looga saaro dalka.


Isagoo hoosta ka xariiqay in ciidamada qalabka sida ay meesha ka saareen tiro badan oo ka mid ah dhaq-dhaqaaqa argagaxisada ah ee Al-Shabaab, kuwaas oo faafinayay argagaxisada si loo iftiimiyo in ciidamada qaranka iyo shacabka deegaanku ay iska kaashanayaan sidii kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab looga xorayn lahaa dalka dhamaantiisa, inkastoo hada lasoo gaaray wakhtigii ugu haboonaa ee ay ciidanka iyo shacabku is garabsanayaan.


Isagoo iftiimiyay in dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii dalka looga xoreyn lahaa Al-shabaab ayaa ka socda deegaanno badan oo dalka ka tirsan, waxaa kago,an xukuumadan uu hogaamiyo mudane xasan sheekh in ay ciidamada qalabka ay sii wadaan dagaalada iyo hawlgalada ay kawadaan halka ay argagixisadu kusugantahay, isagoo ku baaqay in shacabku garab istaagaan ciidanka qaranka ee dagaalka kula jira cadawga.

Post a Comment

0 Comments