September 17, 2012 | -Waxaa dhawaan dhacday arrin aay dadka oo dhami u wada riyaaqeen dareenka shacabka Soomaaliyeedna aad u soo jiidatey, markii doorashadu ka dhacday 10 September 2012, Magaalada Muqdisho ,ayaa cid weliba waxay weydiinaysaysay maxaa ka iman kara? natiijada ka soo, baxdase malagu wada qanci doonaa?!. In kastoo Soomaalidu had iyo goor lagu yaqaan gardiid, iyo looma dhamma, iyo waxbaa lays daba mariyey, inay halhays iyo halkudhig ka dhigtaan markay ,doonayaan inay wax xummeeyaan, ayaa waxaa dhacday doorasho ay ku tartameen 23 Musharax, ka dibna waxaa ka soo dhex baxay hal musharax, mana jirin cid diidey natiijadii doorashada iyo habkay u dhacdey, iyadoo taas guusheeda lagu tilmaamey, iney sabab u tahay laba siyaabood oo kala duwan, waa mida koowaad, Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada oo si habsami ah u gutey waajibaadkooda, maadaama iyagu ahaayeen kuwa codka laga sugayey, iyo kuwa gacanta ku hayey hawsha doorashada,waxay uga soo baxeen masuuliyadooda si qurux badan ,oo ku salaysan is fahan iyo wadatashi iyo maamul wanaag, tan labaadna waa Musharixiintii oo si wanaagsan oo aan dood iyo buuq iyo xasarad lahayn ugu qancay qaabkii doorashadu u dhacday.
Maxaa laga bartay doorashadii dhacday?
Dad badan ayaa jira oo had iyo jeeraale eedaymo iyo saadaal xun bixiya, magacyo iyo naaneeyso aanu mudnayna ugu yeera dad kale,iyaga oo markaas ka duulaya dareenkooda nacab iyo mucaaradnimo, haddaba doorashadii ka dhacday Caasimada Muqdisho, waxaa laga bartay, in soomaalidu dalkeedii isku dooratay, baarlamaankeedii doortay ,madax iyo shacabna ay ku qanceen waxii ka soo baxay, saw halkaasii maaha, albaabkii midnimada, maadaama laga mideysan yahay fekerka ah in dalka isbedel ka dhacay lagu qanacsan yahay oo aan dood iyo muran iyo is qabqabsi ka iman.
Waxaa laga bartay, in xukunka iyo madaxnimada dalka uusan shaqsi lahayn, ee umaddu leedahay, ninkii yimaadaana ogaado in haddii lagaga, guuleysto doorashada uu xilka iska dhiibo isaga oo aan dhibaabo geysan, kan soo socdaana ogaado ineysan jirin cid si gaar ah u leh, madaxnimad ee ay tahay shaqo loogu adeegayo shacabka, maalin walba loo baahanyahay maskax iyo isbedel cusub,waxaynu marrag ka wada nahay, in madaxdii hore nin weliba isaga oo aan raali ka ahayn, oo Direys bir ah u xiran yahay ,oo aan ku qanacsanayn tegi jirey, isagoo ku andacoonaya , aniga cid wax iga qaaday ma jiro iyo wax la mida ama ku doodaya aduunkaa igu caddaadiyey, Haddaba, Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, ayaa isagu ka duwanaa oo si wanaagsan ugu qancay siday wax u dhaceen si gobonnimo iyo wadaniyadi ,ku jirtana u wareejiyey xilkii madaxnimada ee shalay loo doortay isagoo calool fayoow kuna soo dhaweeyey xafiiska Madaxweynaha cusub Xasan sheekh Maxamuud.
Haddaba Shariif Sh Axmed waa kuma?
Shariif sheekh axmed wuxuu bulshada Soomaaliyeed si toosa ugu soo dhex muuqday sanadihii 2000 wixii ka danbeeyey wuxuu dhinaca arrimaha bulshada , iyo maamulo markaa jirayba ka soo qabtay kaalmo lixaad leh, sida maamulkii Gobolka Jowhar, dugsiyada sare Muqdisho, iyo maamulkii Maxaakiimta ee la, dagaalamay hoggaamiye kooxeedyadii markaas awooda ku haystay Caasimada, Shariif Sheekh axmed wuxuu ku guuleystay inuu Caasimada Muqdisho nabadeeyo, gebi ahaan sanadkii 2005-2006 waxaana wax la yaableh noqotey in uu bilaabay Rajo aan dadka qaarkiis ku jirin suurena geliyey in hal maamul gebi ahaan, Caasimada maamulo oo 20 sano kala qoqobnayd dhibaatooyinkii dalka ka dhacay awgiis.
habdhaqanka Shariif Sheekh axmed
waxaa lagu bartey Hoggaamiye habdhaqanka madaxweynihii hore , af gaaban oo ka caaganaa, Aflagaado, hanjabaad, qabyaalad, wax dhimaale qofeed, kooxeed, iyo beeleedba,wuxuu ahaa hoggaamiye cod kar ah, ahlu diin ah oo inta badan qudbadiisu saldhig, u tahay diinta iyo wacyigelinta bulshada, Hoggaamiye hufan oo kaftan badan, si qalbisami ku jirtana bulshada ula hadli jirey,Hoggaamiye bulshay ah, oo aan lagu xamanayn inuu ahaa hoggaamiye dhinac u badan oo Soomaalida u sinayd hoggaamiye ilaaliya, dhaqanka iyo hiddaha dalka Soomaaliyeed oo la hayo isagoo ka qeyb qaadanaya goobaha Fanka iyo Suugaanta halku dhigyada hadaladiisuna, ku salaysnaayeen dhaqanka umadda Soomaaliyeed, Hoggaamiye aan isla weynayn, lahaana wadatashi iyo dulqaad badan.

0 Comments