taariikhda wanaagsan ee xasan sheekh.

wanaaga xasan sheekh

 Xasan Shiikh Maxamuud Waxa uu ku dhashay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan sanadkii 1955,Xasan Shiikh Maxamuud waa nin aqoon yahan, isla markaana u dhaqdhaqaaqa ururada bulshada,Waxa uu u soo shaqeeyay hey'ado caalami ah iyo kuwo waddani ah oo oo nabadda iyo horumarinta ka shaqeeya, Xasan Shiikh waxa uu ka qalin-jabiyay jaamacadda qaranka ee Soomaaliya sanadkii 1981, Waxa uu sii waday waxbarshadiisa isagoo aaday dalka India halkaasi oo ka qaatay shahaadada labaad ee jaamacadda Bhopal University 1988.


Shan sano kadib waxa uu u shaqo bilaabay hey'adda sanduuqa badbaadada carruurta ee Qaramada Midoobay, oo uu u noqday sarkaalka waxbarashada,ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ilaa Nabad ilaaliyaashii Qaraada Midoobay ay ka baxeen Soomaaliya sanadkii 1995, Waxa uu wax ka aasaasay machadka SIMAD ee magaalada uqdisho oo lagu barto culuunta maamulka iyo horumarinta, oo markii dambena uu ka dhigay jaamacadda SIMAD Sanadkii 2011, waxa uu aasaasay xisbiga Nabadda iyo Horumarinta, waxaana uu ilaa hadda yahay guddoomiyeeda Waxa uu ku hadlaa luqadaha Ingiriis iyo Soomaali.

xasan sheekh waa siyaasi dadka iyo dalkaba jecel waxaa kuu cadaynaysa, taas inuu dalka, meelna aanu uga bixin markii dagaaladu dhaceen weliba isagoo waxbarashada kaalin ,
 kaalin muhiim ah kasoo qaatay una dhabar adaygay xaaladii adkayd ee dalku kujiray markaas, gaar ahaan magaalada muqdisho oo soo martay burbur iyo dhibaatooyin culus iyo qalalaase ba,an.

Post a Comment

0 Comments