hogaamiye xasan sheekh maxamuud ayaa aad ugu hawshaysan soocelintii xidhiidhkii siyaasadeed, ee dawladaha caalamka ay lalahayd soomaaliya gaar ahaan dalalka carabta,kadib markii uu xumeeyey, farmaajo soomaaliya ayaa cilaaqaad fog ay wadaagaan dalalka carabta iyagoo siiyana caawimaad badan, sidaas darteed buu madaxwaynaha cusub xooga u saarayaa isoo tixgelinaya saaxiibtinimda fog.
madaxwaynahay soomaaliya xasan sheekh maxamuud ayaa ah siyaasi yaqaana halka uu dalka ujihaynayo iyo cida danta soomaaliya wada ee caawimaad kaheli karto,iyadoo siyaasadiisu tahay mid aad u fog fahamkeeduna sareeyo, waxaynu odhankarnaa khibradaasi waa waxa uu kusoo baxay madaxtane xasan sheekh maxamuud isagoo si aad usaraysa uga guulaystay ragii latartamayey,madaxwaynaha soomaaliya mudane xasan sheekh guul waarta baynu u rajaynaynaa.
iyadoo dalka soomaaliya beryahaas colaado iyo siyaasad xumo ragaadiyeen ayaa hadana waxaad moodaa,in lagasoo kabanayo madaama uu hogaanka qabtay siyaasi waxbadan fahamsan garanayana, waxa loodoortay iyo waajibka saaran, waxaa intaas dheer shacbka soomaaliyeed uu gacan buuxda,
uu kahelayo aadna ay utaageersanyihiin dhamaan dawlad goboleedyada iyo caasimaduba.
waxaa la isku raacsanyahay inuu madaxwayne xasan sheekh maxamuud uu dalka werwer la,aan, gaadhsiin doono meesha aynu rabno, sababta ayaa ah hadii shacabku ay taageersanyihiin uma baahna, cidkaleba taasina waa waxa keliya ee lagu helikaro isku duubnaan shacab iyo dawlad ah,
mudane xasan sheekh maxamuud oo ah nin kafayoow xunuunka soomaalida kudhacay ee qabyaalada, ayaa aynu urajaynaynaa guul iyo gobanimo waarta.

0 Comments