Hay'adaha Bisha Cas ee imaaraadka ayaa ceel qodis iyo gargaar bani'aadamnimo gaarsiisay gobolada dalka ee abaaruhu saameeyeen

Somaliya iyo Imaaraadka carabta


 Hay'adda Bisha Cas iyo Hay’adda Samafalka ee Dar Al Ber ayaa sheegay inay 60,000 ruux oo ay abaaruhu saameyeen u qabisay gargaar cunno ah oo isugu jiray Bariis, Digir iyo Saliid kuwaas oo ku nool deegaanno ku yaalla gobollada Somalia ee ay abaaruhu ku dhufteen

Roobabka oo hoos u dhacay ayaa sababay inay xaaladdu sii xumaato kuwaa oo keenay qiimaha xooluhu hoose u dhaco taasoo sabab u noqotay inay heli waayaan qoysaska ku nool deegaannada ay abaaruhu ku dhufteen inay daqli ay ku noolaadaan helaan

Cunno-yaraanta iyo abaaraha ayaa sababay in xaaladdu noqoto mid adag oo saameyn xooggan ku yeeshay nolosha bulshada deegaannada ay abaarahani saameeyeen ku nool tani ma ahan mid cusub balse sanadihii aynu kasoo gudbunay ayay somalia ku dhufteen abaaro saameyn ku yeeshay bulshada waxaanan rajeynayaa in gargaarkeennu uu caawinaad u noqon doono dadka badan oo abaaraha xilligaan taagani ay saameyn xun ku yeesheen

Imaaraadka ayaa la soo gaarey caawin isagoo soo gaarsiiyey gargaar degdeg ah wuxuuna badbaadiyay 8,200 oo qoys oo Soomaali ah oo ku nool deegaanada Jubbaland oo ay gaajo daran u dhimanayeen wax kasta oo ay ku caawin karto iyagoo u qaybiyeen saadka lagama maarmaanka ah ilaa inta suurtogalka ah 2dii bilood ee udanbeeyay sanadkii lasoo dhaafay dawlada imaaraadku waxay caawisay  qoysas badan oo abaaruhu sameeyeen kuwaaso ku dhaqan qaybo badan oo kamida gobolka Jubaland ee somaliya

Imaaraadka ayaa amray in hey'adihiisa samafalka gurmad degdeg ah gaarsiiyaan dadka abaatuhu saameeyeen iyadoo la fulinayo amarka Maxamed Bin Zaa’yid Ala Nahyaan oo ah dhaxal sugaha Imaaraadka waxayna la soo gaareen gargaar degdeg ah iyadoo dalka intiisa badan ay ka jirto abaar saameysay dadka iyo duunyada meelaha qaar waxaa guray ceelashii dadku iyo xooluhu ay biyaha ka  cabayeen

Dadaalka ay Bisha Cas ee Imaaraadka carabta iyo Hay’adda samafalka ee Dar Al Ber ay ku bixinayaan taangiyo biyood loogu talagalay qoysaska ay abaaruhu saameeyeen iyadoo ay u dheer tahay gargaarka kale ee bini’aadantinimo Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraatka Carabta ayaa sii wadda dadaallada Samafalka iyo gurmadka ay u fidineyso shacabka walaalaha ah ee soomaaliya kuwaasi oo dadka deegaanku ay soo food saartay xaalad biyo la’aan ah

Ugu dambeyn hay'adda bisha cas ayaa sheegtay in sannadkii 2021-kii ay qaybo ka mid ah kuwa ay abaartu saameysay ee somalia ka hirgeliyeen 11-ceel oo laga qoday 10-ceel gacmeed ah iyo weliba 20-kannaal oo biyaha roobabku ay ku hooraan


Post a Comment

0 Comments