Ninka dunida ugu shiirka & qurunka badan oo la ogaaday inuusan 60 sano qubeysan

 

layaabka dunida

Mudo lixdan sano ah biyo ooggadiisa ma marin qubeys, saabuun jirka lagu dhaqo iska daa shaambo timaha madaxa lagu nadiifiyo warkeeda ha sheegin, barafuun la isku carfiyo iyo saliid timaha lagu subko adigaaba sheegaya  kareem jirka lagu maluuqo caraf iyo in sanka lala soo raaco waa mid waligiis aanu ku hamin Amou Xaaji oo 80 sano jir ah

Intaasi oo arimood oo nafta u roon wuxuu ka jecel yahay in uu dhulka jiifto oo ciida ama carrada madaxa saarto kuna galgasho sida Rati barrin raysleh jooga waxaa u sii dheer cunista hilibka qurmay ee uruya,kuu roonaan lahaydaa wuxuu beeb weyn oo geed ka sameysan ku dhuuqaa sigaar sigaarku ma ahan midka caadiga ah waa sigaar buuriga ama tubaakadiisa uu ka sameeyey saxarada xoolaha (diggada ama saaladda) isagoo beebkaasi dhuuqaya oo qiic saallo cirkaasi ka bulbulsiinaya ayaa had iyo goor la arkaa

Amou wuxuu ku nool yahay tuulo yar oo ka tirsan degmada Dejgah oo dhacda Koonfurka Iiraan waxaana ugu dambeysay biyo jirkiisa uu mariyo ama uu ku qubaysto da’diisu markii ay aheyd 20 sano mudadaasi wixii ka dambeeyey oo ah lixdan sano isaga iyo qubeys way kala tageen waayo ifka wuxuu uggu neceb yahay biyo oogadiisa uu mariyo sidaasi waxaa warisay Jariidada Tehran Times ee ka soo baxda magaalada Tehraan ee caasimada dalka Iiraan

Amou Xaaji wuxuu horyaalka ugu qarmuunaha iyo ugu shiirbadana dunida uu kala wareegay Guru Kailash Singh oo 69 sano jir ah oo u dhashay wadanka Hindiya kaasi oo nadir ku marey inaanu dib dambe u qubaysan tan iyo sanadkii 1974-tii xiligaasi oo aniga qoraha ah aan dhashay 2 sano ka dib singh oo ah ninka sidaasi u biyaha neceb wuxuu maalintii oo dhan ka shaqeystaa wabiga jiinkiisa isagoo ku doodaya in nin wadaad uu u aaminsan yahay uu u sheegay in haddii uu joojiyo qubayska uu dhali doono wiil (aabe u noqon doono)

Laakiin sheekadaasi ma noqon mid wadaad beenalaahaasi u rumowdo ee ILAAH awoodiis Sing waxaa isagu xigsadey 7 gabdhood sida ay qortey Jariiada Indian Times ee ka soo baxda magaalada Delhi ee xarunta wadanka Hindiya mushkilada ugu daran ee Guru Kailash Singh haysata waxay tahay cagajugleyn had iyo goor uga timaada xaaskiisa oo iyadu sheegta inaanay la jiifan doonin oo malabka sariirta dhadhsan doonin hadii aanu qubaysan walow marka ugu dambeysa ay qaado jacaylka ay u hayso iyadoo daacad u noqota garaarkana u furta

Laakiin Sing horyaalka ninka ugu shiirka iyo qarmuunka badan waxaa haatan kala wareegay Amou Xaaji oo reer Iiraan ah ninkaasi oo maalin kasta caba lix liitar oo biyo wasaqeysan ah wuxuuna aaminsan yahay in hadii uu cabo biyo nadiif ah uu ku jiranayo arimaha layaabka leh ee Xaajigu ku kaco waxaa ka mid ah markii damco in uu timaha iska jaro Timajare ma doon doono maqas iyo sakiin gacanta lama aado dab ayuu inta qaato tinta ku qabtaa isagoo markaasi ka dibna ku shuba biyo kulul kuna daboola koofiyadihii hore ee dagaalka

Jariirada Tehran Times oo warbixin dheer ka qortey xaalada ninkan waxay sheegtey in ninkan uu go’aankan qaatey ka dib markii uu la kulmay guuldarooyin dhanka nolasha ah.


Post a Comment

0 Comments