Nin Qoraa ahaa ayaa isaga oo Fadhiya Qolka uu had iyo jeer wax ku Qorto Gurigiisa Warqad iyo Qalin soo qaatay ayaa wuxuu Qoray sannadkii aynu ka soo Gudubnay waxaan Sameeyey Qalliin weyn oo aan Bilo badan Cusbitaalka ugu jiray oo aan Sariirta saarnaa waxaana sannadkii hore gaaray 60 sanno anigoo Xanuunsanaya Aabahay wuxuu Geeriyoodey sanadkii aan ka soo Gudubnay
Wiil aan dhalay wuxuu ku dhacay Imtixaankii uu ku Qalin jabin lahaa Kuliyadda Caafimaadka ka dib markuu ka haray Waxbarashadii Shil gaari oo la soo Gudboonaday Awgii wuxuuna ku soo gabagabeeyey Warqadii uu qoray Sannad Adag oo aan Dhib badan la kulmay ayuu ahaa Sanadkii hore ee aynu ka soo gudubnay
Warqaddii wuxuu kaga tagay Miiskii uu ku Qorayey Xaaskiisii ayaa soo gashay Qolkii waxayna aragtay Warqada Miiska saaran weyna Akhriday Warqaddii uu qoray Ninkeedu xaaskii waxey soo qaadatay Warqad kale intay hadal ku Qortay ayey Warqadii hore Agdhigtay ninkii Odayga ahaa ayaa soo noqday waxuu Akhriyey Warqadii Xaaskiisu qortay waxeyna u qorneyd sida tan
Aabahaa wuxuu Noolaa 85 sano Muddadaa dheer wuu Caafimaad qabay Qofna muusan dhibin wuxuuna Geeriyooday isaga oo aan Xanuun iyo Dhibaato toona aanu ku Rafaadin Wiilkaagu wuxuu ka Badbaaday Shil gaari oo sababi lahaa in uu Dhinto wuuna Caafimaaday isaga oo aan Dhaawac weyn oo aan waligii ka Harin ku dhicin mana Curyaamin
Haddaba Qoraalkeeda waxey ku soo Gabagabaysay Ogoow inuu Sannadkii hore uu inoo ahaa Sannad uu ilaaheey Dhibaatooyin badan inaga soo Badbaadiyey oo inaga mudan inaan Rabi ugu Mahad celino
0 Comments