Imaaraadka oo gaashanaayo shirkada DP World ayaa soo gaarsiiyey gargaar degdeg ah 1,000 oo qoys oo Soomaali ah oo ku nool magaalada boosaaso oo ay gaajo daran u dhimanayeen wax kasta oo ay ku caawin karto iyagoo u qaybiyeen saadka lagama maarmaanka ah ilaa inta suurtogalka ah waxayna u qaybisay gargaar cunno ah oo isugu jiray Bariis, Digir iyo Saliid kuwaas oo ku nool deegaanno ku yaalla gobollada Somalia ee ay abaaruhu ku dhufteen
Shirkadda DP World waxay meel kasta ugu tagaysaa si ay u hubiso in xidhmooyinka raashinkaasi ay gaadhaan qoysas ku kala sugan dhamaan dalka oo dhan Raashinka DP World ay u qaybisay ayaa ah Raashinka ay qoysasku isticmaalaan oo ay ku jirto Timirta oo dhaqan ahaan loo isticmaalo marka la Afurayo xiliga Soonka Sidoo kale dalka imaaraadku wuxuu caawimaad gaadhsiiyay goobo badan oo ka mid ah gudaha somaliya tan ilaa iyo bilowgii burburka waana dalka kaliya ee garab taagnaa shacabka somaliyeed xiligay dhibaataysnaayeen ilaa hadda
0 Comments