Tuug Qoys Uu Xadday Warqad Raali-Gelin Ah U Dhaafay

 

dhacdooyinka caalamka

Nin tuug ah oo xadday guri ku yaala Magaalada Ticis ee dalka Yemen ayaa warqad raali-gelin ah u dhaafay qoyska lahaa hoyga uu baadhay taas oo ku caddaynayo sababta ku kaliftay inuu guridooda u soo dhaco kadibna hantidooda dhaco waxaanu tuugani noqday ka loogu hadal haynta badnaa shabakadaha xidhiidhka bulshada ee Internet-ka

Sida wakaaladda waaweyn ku warameen tuugan ayaa xaday guri ku yaala xaafada Zahra ee magaalada Ticis oo ku taala badhtamaha dalka Yemen ayaa xaday dhamaan alaabtii taalay gurigaa oo talaagado roogag iyo maacuun kala duwani ka mid tahay guriga uu tuugani xaday ayaa sida wararku sheegayaan cidlo ahaa oo qoyskii lahaa ay dagaalada uga carareen todobaad ka horna la faaruqiyay waxaanu helay guriga oo aanay cidi joogin oo inta uu jabsaday uu alaabtii taalay oo dhan ka gurtay

Hasa yeeshee dhacdada layaabka noqotay ayaa ahayd warqad raali gelin ah oo uu ninkaa baadhay gurigu u dhaafay qoyska uu hoygooda xaday waxaanu warqadan ku cadeeyay sababta ku kaliftay inuu xatooyada wayn kula kaco qoyskan

Sida uu Tawfiiq Mushtaaq oo ka mid ah qaraabada qoyska tuugani gurigooda xaday uu wakaalada wararka u sheegay tuuga xaday guriga ayaa warqad uu gacantiisa ku qoray u dhaafay qoyska taas oo uu ku dhejiyay albaabta talaagad uu kaga tagay guriga warqadan oo qof kasta oo guriga soo galaa si degdeg ah u arkayo sababtoo ah? Talaagada uu albaabkeeda ku dhejiyay waa shayga kaliya ee alaabtii guriga taalay ka hadhay ee tuugu ka tagay

Warqadan ayuu ninkaa xaday gurigu u qoray qoyska waxaanu qoraal gaaban oo uu warqada ku dhigay ku yidhi walaahi idimaan xadeen ee gaajo ayaa igu kaliftay iga raali noqda waa walaalkiin Cabdoo Axmed Intaasi waxay ahayd qoraalka uu tuugani u dhaafay qoyska uu gurigooda sii baadhay

Warbaahinta dalka Yemen iyo kuwa carabta oo si wayn ugu warantay ayaa badankoodu ciwaan ugu dhigay Tuug Edeb badan oo xaday guri ku yaala magaalada Ticis kaas oo qoyskii uu gurigooda dhacay warqad raali galin ah u dhaafay

Post a Comment

0 Comments