Imaaraatka Carabta oo maanta Muqdisho geeyay gargaarkii labaad oo mucaawino ah muddo kadib

 

Somaliya iyo Imaaraadka

Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay dalabkii uu u gudbiyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya kadib booqasho uu dhowaan ku tegay magaalada Abu Dhabi isaga oona ka codsaday gargaar bani’aadanimo imaaraadka oo ka jawaabayey dalabka Rooble ayaa Soomaaliya u soo diray diyaarad sidda gargaar taas oo maanta soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde

Diyaaradda ayaa keentay shixnado kala duwan oo gargaar ah isla-markaana loogu tala-galay dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay dalka mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan wasiirka gargaarka iyo musiibooyinka xukkumada federalka somaliya Khadiijo Maxamed Diiriye iyo guddiga qaran ee gurmadka abaaraha ayaa deeqdaan gargaarka ah kula wareegay garoonka Aadan Cadde oo lagu qabtay munaasabad kooban

Sidoo kale xukuumadda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda Imaaraadka gargaarka ay Soomaaliya soo gaarsiisay uguna deeqday dadka tabaaleysan waana gargaarkii labaad ee uu Imaaraadka soo gaarsiinayo Soomaaliya waxaana ay aheyd todobaddii bishii la soo dhaafay ee Janaayo markii uu Rooble garoonka kula wareegay deeq gargaar ah oo ka timid magaalada Abu Dhabi kadibna raali-gelin siiyey 

Imaaraadka Carabta gargaarkan raashinka ah ayaa ku soo beegmaya xilli abaaro qani ah ay hareeyeen malaayiin Somali ah oo macaluul u dhintay qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay 7.7 milyan oo qof inay wajahayaan macluul sanadkan halka sanadkii hore ay ahayd 5 milyan

Hay’adda bisha cas ayaa diyaarisay barnaamij hammi ah oo daboolaya baahiyaha dadka ay saamaysay marxaladda hadda lagu jiro isla markaana ka qayb qaadanaysa sidii looga samata bixin lahaa dhibaatada abaarta waxaana barnaamijka hay’addu ay ka mid tahay in booyado biyo ay gaarsiiyaan dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee ka jira deegaanada ay hadda ku sugan yihiin iyo sidoo kale qodista ceelal biyoodyo badan oo laga qodo deegaanada iyo gobollada ay ka jirto biyo yaraanta ba'an 

Post a Comment

0 Comments