Dowlada Imaraadka Carabta Oo Mar Kale Deeq Gargaar Ah Ka Soo Gaadhsiisay Magaalada Muqdisho

 

Somaliya iyo Imaaraadka

Dowladda isutagga Imaaraadka Carabta ayaa mar kale shalay diyaarad siday gargaar kala duwan waxaa ay ka soo dejisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho

Wasaaradda gargaarka iyo Guddiga abaaraha oo ay hoggaamineysay wasiiru dowlaha wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Shukri Maxamuud Afrax ayaa Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Danjire Maxamed Axmed Alcuthman ka guddoomay deeqda gargaarka ah

Safiirka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in deeqdaan ay qeyb ka tahay gurmadka ay dowladda Imaaraadka Carabta ku caawineyso dadka Soomaaliyeed ee Abaartu saameeysay

Wasiiru dowlaha wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Shukri Maxamuud Afrax ayaa uga mahad celisay Dowladda Imaaraadka Carabta & Ra’iisul Wasaaraha dadaalkooda ku aadan sidii loo samata bixin lahaa dadka Soomaaliyeed ay saameeysay Abaarta

Waxaa ay ugu baaqday dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa awooda inay walaalahood Abaarta saameeysay ay ka qeyb qaataan sidii loogu gurman lahaa

Tan iyo markii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ka raali geliyay Imaaraadka Carabta lacagtii loogala wareegay Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde sanadkii 2018-kii waxaa ay soo daabuleyeen deeq kala duwan oo ay uga qeyb qaadanayaan gurmadka abaaraha

Imaaraadka Carabta ayaa horay u ballanqaaday In ka qeyb qaadanayaan samatar bixinta dadka Soomaaliyeed ee saameynta daran ku yeelatay abaarta dan ee ku dhuftay Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya gurmadkaan ay dowladda

Imaaraadka Carabta soo gaarsiisay Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli ay abaar saaid ah ka jirto gobolada dalka Imaaraadka ayaa sheegay inuusan wax dadaal ah ka hagran doonin si ay u daboolaan baahiyaha bini’aadantinimo ee Soomaaliya iyo horumarinta adeegyada lagama maarmaanka ah ee dhammaan dhinacyada gargaarka


Post a Comment

0 Comments