Ra'iisal wasaare rooble oo booqasho labo maalin ku jooga dalka imaaraadka carabta oo la kulmay dhigiisa

RW rooble iyo imaaraadka carabta


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magaalada Dubai kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ahna Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Maxamed Bin Raashid Ala-Maktoum kulanka labada mas’uul 

Ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga labad dal gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha dhoofka xoolaha Soomaalida ee loo iib geeyo dalka Imaaraadka Carabta

Sidoo kale waxay si gaar ah diirada u saareen sida ay xiligan lagama maarmaan u tahay sidii dal-kugalka (Fiisooyinka) loogu fududeyn lahaa Soomaalida u safarta dalka Imaaraadka Carabta ra’iisul Wasaaraha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Raashid ayaa ballan-qaaday in dowladdiisu kordhin doonto gar-gaarka la gaarsiinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay

Ugu dambeyntiina Rooble ayaa dhiggiisa Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Raashid uga mahad-celiyay kaalinta dowladdiisu ay ka geysatay gurmadka abaaraha ee dalka ra’iisul Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Abu Dhabi

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa dhowaan raali-gelin siiyey dowladda Imaaraadka Carabta taas oo la xiriirta lacagtii 2018-kii looga qabtay garoonka Aadan Cadde isagoo u ballan qaaday in dib loogu celin doono lacagtaas, waxayna tallaabadaas dhabaha u xaartay dib usoo nooleynta xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi

Si kastaba, booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Imaaraadka ayaa markale dhidibada u taageysa xiriirka u dhaxeeyay labada dal oo muddooyinkii dambe uu ka jira mad-madow badan waxayna ku soo aadeysa xilli xasaasi ah oo ay is hayaan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday oo garab ka hela dowladda Qatar

Post a Comment

0 Comments