MAXAAD KA TAQANAA GUUTADA SOOMAALIYA EE KA DAGAALANTO DALKA UKRAINE?

warar sugan


 Guutada lagu magacaabo Soomaaliya waa mid ka mid ah cutubyada militariga Jamhuuriyadda Shacabiga Donetsk ee Ukraine kuwaas oo ka qayb qaata dagaalada ka socda gobalada Donetsk iyo Donbas ee ka dhanka ah ciidamada Ukraine

Guutada magaceeda oo buuxa waa Guutada 1-aad ee Taangiyada ama ma naxayaasha Soomaaliya sidoo kale waxaa horay loo oran jirtay 1st Separate Tactical Battalion Group Somalia

Sida uu sheegay taliyihii hore ee guutadan Mikhail Tolstykh oo loo yaqaanay Givi waxay Guutadan magacan "Soomaaliya" u qaateen waa kuwo aan cabsan sida Soomaalida oo kale

Ciidamadan oo ah dhamaantood Muwadiniin u dhashay Ukraine balse gacan saar Milatari la leh Ruushka ayaa aad ugu faraxsan magacan ay la baxeen ee Soomaaliya waxayna isugu yeraan ama isu garanayaan ma naxayaal

Guutada ayaa sanadkii 2015 Maxkamadda Sare ee Ukraine u aqoonsatay Urur argagixiso taasi oo keentay in ciiidamada Ammaanka Ukraine ay beegsadaan xubin kasta oo ka tirsan Guutadan

Ciidamada sirdoonka Ukraine ayaa sanadkii 2017-kii qarax ku dilay Taliyihii hore ee guutadan Mikhail Tolstykh wixii waqtigaas ka dambeeyay waxay bilabeen in ay qariyaan hoggaankooda

Guutada Soomaaliya oo ah Cutub Milatari oo aad u hubeeysan ayaa taliskooda yahay gobolka Donetsk ee dalkaasi Ukraine

Post a Comment

0 Comments