Garyaqaanada difaacayay eedaysane Maraykan ah ayaa sheegay in maxkamadu u jartay sodon cisho oo xabsiga ah iyo ganaax lacageed oo dhan shan kun oo dollarka Maraykanka ah nin lagu eedeeyay in jaarkiisu ka soo dacwooday qosolkiisa oo aad u dheer grryaqaankan ayaa warbaahinta u sheegay in ninka uu wakiilka u ahaa ee u difaacayay Robert Chiefley oo (41-jir) ah ay boolisku dhawaan u geeyeen saman
Lagaga codsanayay inuu maxkamada ku hor yimaado ka dibna lagu furay dacwad la xidhiidha qosolkiisa qareenka difaacayay ninkan ayaa sheegay in lagu soo eedeeyay in subaxnimadii bishii February 13-ka ahayd uu daaqada gurigiisa oo ku yaala degmada Rockville Centre ee jasiirada Long Island oo ka tirsan New York uu soo istaagay isaga oo si cod dheer ah ugu qoslaya jaarkiisa qofka jaarkiisa ah ee ka soo ashkatooday
Ninkan ayaa sida la sheegay ahaa qof curyaan ah oo naafo ah kaas oo isagu sida uu ku doodayo uu door biday inuu ka farxiyo balse uu si kale u qaatay oo cuyub ay arrintii ku noqotay sida uu ku doodayo eedaysanaha xukunku ku dhacay qareenka difaacayay ninkaas oo lagu magacaabo Andrew ayaa sheegay in ninka uu wakiilka ka yahay uu leeyahay hag hago ama gaangi laakiin aanay jirin wax ujeedo ah oo uu ka lahaa
Ninkaas laakiin ay mararka qaarkooda cod ama dhawaaq kaga dhegto sida uu ku dooday ninkan xukunka lagu riday ayaa sheegay in aanay jirin wax dhibaato ah oo u dhaxaysay qofkaa ay jaarka yihiin ee eedeeyay isla markaana uu aad uga xun yahay in uu khalad fahmo waxaanu sida uu sheegay iska bixin doonaa ganaaxa la saaray isaga oo bisha xadhiga ahna dhamaysan doona ama iibsan doona sida uu warbaahinta u sheegay
0 Comments