Maxaa Ku Dhacay Mohamed Salah Ka dib Iyo Ka Hor Rikoorihii Uu Xalay Khasaariyey? FIFA Oo Farta Lagu Goday

 

Masar iyo Senigal

Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ayaa si fiican u arki waayay goolka ka dib markii indhaha lagaga qabtay laser ka hor intii aanu laadin rikoodhihii uu birta dul-mariyey ee wadankiisa sababta ugu noqday inay ka haraan Koobka Adduunka sadio Mane ayaa rikoodhaha guusha siiyey u dhaliiyey Senegal oo sidoo kalena horraantii sannadkan rikoodheyaal kaga qaaday Koobka Qaramada Afrika

Ciyaaryahanada reer Masar ee lagu naanayso Pharaohs ayaa khasaariyey sadex ka mid ah afar rikoore oo ay tuurteen halka Senegal ay laba iska lumisay saddexna dhalisay taageereyaal jilbaysan oo ay ka go’an tahay inay gar iyo gardarraba dalkooda ka caawiyaan inuu usoo baxo Koobka Adduunka ayaa si weyn u garab istaagay xulka qaranka Senegal waxaanay qayb weyn ka ahaayeen guushaas

Markii uu Salah usoo kacay inuu laado rikoodhaha oo ahaa midka koowaad ee Masar balse uu ka horreeyey Koulibaly oo isaguna ka khasaariyey Senegal ayaa waxa mar kaliya wajiga Salah qariyey laydh midabo leh oo ah laysar ay kusoo shidayeen taageereyaasha ka dambeeyey goolka waxaanay taasi sababtay inuu si fiican u arki waayo goolka

Sidoo kale taageereyaasha ayaa soo shiidayay oo caagado iyo waxyaalo kale kusoo tuurayay ciyaartoyda Masar gaar ahaan goolhayaha oo cabanayay labadii qaybood ee ciyaarta iyo waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray intaba mohamed salah ayaa loola cararay qolka labbiska oo gudaha la geliyey isla markii ay ciyaartu dhamaatay kaddib markii ay taageereyaashu kusoo tuureen walxo waxaana kaxeeyey ciidamada amaanka ee garoonka joogay

Xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa farta lagu godayaa kaddib guul-darrada Masar waxaana la isweydiinayaa sababta ay uga jawaabi weyday baaqyo hore loogu soo jeediyey oo ahaa in garoomada laga mamnuuco laysarka

FIFA ayaa la filayaa in ay go’aamo kasoo saarto ciyaartii Senegal iyo Masar ee xalay oo ka sokow ficillada ay ku kacayeen taageereyaashu ahayd mid ay ciyaartoydu daandaansi badan samaynayeen, kuna carqaladaynayeen garsooraha iyaga oo waliba ciyaartoyda Masar ku dedaalayay inay waqtiga lumiyaan

Post a Comment

0 Comments