Waxa Jimcihii la soo dhaafay [March 16, 2022) meelo badan oo dunida ka mid ah laga xusay maalinta Hurdada aduunka taas oo qaramada midoobay u qoondaysay in Jimcaha sadexaad ee bisha March sanad walba si balaadhan looga wada xuso dhamaan dunida oo dhan ujeedada xuska maalinta hurdada aduunka ayaa ah sidii dadka loogu wacyi gelin lahaa faa’iidada caafimaad ee hurdada iyo sidii looga fogaan lahaa waxyabaaha dhibaatada ku ah hurdada ee qofka ka fogaynaya inuu si raaxo leh u seexdo
Xuska sanadkan ee maalinta hurdada aduunka ayaa loo qaatay halku dhega, “Ku soo biir dhawrista hurdada aduunka oo ilaali fir fircoonidaada jidheed iyo caafimaad hurdada oo ah raaxada ugu wayn ee Rabi (SW) aadamiga ku manaystay waxay qayb wayn ka tahay caafimaadka iyo isku dheeli tirnaanta nolosha aadamiga taas oo la’aanteed aanu qofna noolaan Karin haddii ay ku yaraatana uu halis u yahay xanuuno ku dhaca
Khubarada caafimaadka ee aduunka oo si wayn uga qayb qaatay xuska maalinta hurdada aduunka ee sanadkan ayaa wacyi gelin badan oo la xidhiidha ahmiyada hurdadu leedahay iyo waxyaabaha dhibaatada ku noqon kara ee looga baahan yahay in laga gaashaanto u soo jeediyay dhamaan aadamiga waxaana sanadkan si gaar ah ahmiyada loo saaray dhibaatada ay leedahay in qofku marar kala duwan habeenkii baraarugo oo marba ka kaco hurdada ka hor wakhtiga uu toosayo ee u qorshaysan xaaladaas oo horseeda xanuunada halista ah ee dadka ku dhaca
Tusaale ahaan in qofku heli waayo hurdo culus oo ugu yaraan afar saacadood xidhiidh ah waxay sababtaa dhibaato caafimaad iyo caajis badan oo aanu hawlihiisi shaqo si fiican u gudan kari waayo waxyabaha ay khubarada caafimaadka ee aduunku ku talinayaan waxa ka mid ah inaanu qofku hurdada ka hor cabitaan badan qaadan waayo? Waxay taasi keenaysaa inuu marar kala duwan musqusha u baahdo kana tooso hurdada
Waxa kale oo ay ku talinayaan inaan gogosha dusheeda lagu isticmaalin telefoonada iyo aaladaha casriga ah oo haddii qofku furaashka dushiisa ku dul daawado ama ku furfuro dhibaato ku noqon kara hurdadiisi iyo inuu saacado badani kaga lumaan marka ay is biirsadaana keeni kara inuu saacado badan oo hurdadiisa ka mid ah waayo
0 Comments