Xadgudubka Xuquuqda Shacabka: Markay Dawladdu Noqoto Bahal Masiibo ah
Magaalada Muqdisho maanta waxay marti u tahay olole naxariis darro ah oo lagu boobayo dhulka iyo hantida dadka masaakiinta ah. Qoyska madaxweynaha iyo saaxiibadood waxay adeegsanayaan awoodda dawladda si ay u barakiciyaan muwaadiniinta aan difaaca lahayn ee caasimadda deggan. Waa wax laga xumaado in hay’adihii caddaaladda loogu talagalay ay noqdaan kuwa loo isticmaalo dhaca iyo boobka hantidada maguurtada ah. Tani ma ahan hoggaan, balse waa burcadnimo ku labbisnayd dhar dawladeed oo dalka dumis ku wadda.
Xarigga sharci-darrada ah ee loo geysanayo dhallinyarada iyo cabburinta saxaafadda ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay ee abid la arko. Maamulka Xasan Sheekh wuxuu ka dhigay xabsiyada meel lagu ciqaabo qof kasta oo ka horyimaada damaciisa ku aadan muddo kordhinta. Shacabka Soomaaliyeed uma dulqaadan karaan in xorriyadooda loo huro si loo dhowro kursi muddo-xileedkiisu dhammaaday oo aan sharci ahayn. Cabsi-gelinta iyo cagajuglaynta ma noqon karaan hab lagu maamulo umad doonaysa caddaalad iyo sinnaan dhab ah.
Burburinta Federaalka iyo Adeegsiga Hubka Lagula Dagaallamo Gobollada
Faragelinta joogtada ah ee lagu hayo doorashooyinka maamul gobolleedyada sida Koonfur Galbeed iyo Galmudug waa nabar ku yaalla qarannimada. Madaxweynuhu wuxuu rabaa inuu keensado shakhsiyaad isaga u hoggaansan si uu u xalaalaysto boobka doorashada guud ee dalka. Tani waxay dhalisay in maamul gobolleedyadu ay lumiyaan kalsoonidii ay ku qabeen dawladda dhexe ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho. Federaalku waa inuu ahaado mid wadatashi ku dhisnaan, ee ma ahan in xoog lagu maquuniyo gobollada.
Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah loo tababaray, waa inaysan noqon qalab loo isticmaalo dano siyaasadeed oo gaar ah. Waxaan aragnaa in ciidankii loogu talagalay la-dagaallanka Argagixisada loo adeegsanayo in lagu cadaadiyo tartamayaasha siyaasadeed ee madaxweynaha. Tani waxay wiiqaysaa amniga guud waxayna fursad siinaysaa cadawga dalka oo raba inay ka faa'iideystaan kala qeybsanaanta. Askari kasta oo Soomaaliyeed waa inuu ogaadaa in waajibaadkiisu yahay difaaca dalka, ee uusan ahayn difaaca shakhsi.
Waqtiga oo Dhammaaday iyo Baaq ku Socda Shacabka Soomaaliyeed
15-ka Maajo waa maalinta ay dhammaanayso sharciyadda madaxweynaha, wixii maalintaas ka dambeeyana wuxuu noqonayaa muwaadin caadi ah. Shacabka Soomaaliyeed, odayaasha dhaqanka, iyo culimadu waa inay u istaagaan sidii looga badbaadin lahaa dalka firaaqo dastuuri ah. Ma jirto cid ka sarreysa sharciga, qof kasta oo isku daya inuu xoog ku joogo xafiiska waa mid dalka u horseedaya burbur. Waa inaan loo oggolaan hal koox inay dalka u afduubto danahooda gaarka ah iyo kobcinta hantidooda.
Ugu dambayn, beesha caalamka waa inay indhaha u furtaa xaqiiqda ka jirta gudaha Soomaaliya iyo musuqmaasuqa baahsan ee socda. Taageerada dhaqaale ee la siiyo maamulka hadda jira waa in lagu xiraa ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo qabashada doorasho. Haddii aan tallaabo degdeg ah la qaadin, dalku wuxuu dib ugu laabanayaa dagaallo sokeeye iyo kala qeybsanaan qabiil. Soomaaliya waxay u baahan tahay gurmad siyaasadeed oo degdeg ah si loo badbaadiyo inta hartay ee qarannimada.

0 Comments