Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo Naqdin Adag U Jeediyay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa si adag u weeraray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni. Wasiirka ayaa Deni ku eedeeyay inuu yahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan dhismaha qarannimada, midnimada, iyo horumarka guud ee dalka Soomaaliya, taas oo muujinaysa in khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Garowe uu gaaray meeshii ugu sarreysay.
Qoraal uu wasiirku soo dhigay barta uu ku leeyahay isku xirka bulshada ee Facebook, wuxuu ku sheegay in barnaamijyadii ugu dambeeyay ee ka soo baxay madaxtooyada Puntland aysan u adeegaynin danaha shacabka reer Puntland iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed. Wasiir Xoosh ayaa xusay in hadalada ka soo yeeraya maamulkaas ay qayb ka yihiin silsilado been abuur iyo marin-habaabin ah oo uu Madaxweyne Deni muddo dheer ku hayay hannaanka dowladdnimada dalka.
Eedeymaha Ku Saabsan Curyaaminta Horumarka Iyo Ciidanka Qaranka
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ku dooday in siyaasadda Siciid Deni ay ku dhisantahay labo qodob oo kaliya: inuu curyaamiyo wax kasta oo dalka u horseedi kara horumar iyo inuu garab istaago wax kasta oo dalka dib u dhigaya ama qaybinaya. Eedeymahan culus ayaa dhabaha u xaaraya jawi cusub oo murgacasho siyaasadeed ah, kaas oo saameyn weyn ku yeelan kara iskaashiga amniga iyo mashaariicda horumarineed ee gobolka ka socda.
Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Puntland uu horay uga horyimid qorshayaal dhowr ah oo muhiim u ahaa dalka, sida hannaanka deyn cafiska Soomaaliya, isbeddelka doorashooyinka ee qof iyo cod ah, ka faa'iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah, iyo dhismaha ciidan qaran oo hufan. Wuxuu kaloo ku eedeeyay Deni inuu u adeegayo dano shisheeye, isla markaana uu Puntland u isticmaalayo inuu cadaadis siyaasadeed ku saaro dowladda federaalka.
Tallaabadan ayaa timid ka dib markii maamulka Puntland uu soo saaray bayaan ay ku sheegeen inaysan aqoonsanayn Xasan Sheekh Maxamuud inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay inuu si sharci darro ah u adeegsanayo awoodda madaxtinnimada dalka. Puntland ayaa sidoo kale ku baaqday in la isugu yimaado kulan degdeg ah oo ay dhexmaro dhammaan xisbiyada siyaasadda si loogu heshiiyo hab doorasho oo loo dhan yahay, taas oo dowladda dhexe ay u aragto isku dey lagu waxyeeleynayo nidaamka dastuuriga ah.

0 Comments