Riwaayaddii "Dugsi Dayz" Oo Loo Bedelay Musalsal Telefishin Oo Ay Sameeyeen Gabdhaha Soomaaliyeed
Gabdho Soomaaliyeed oo ku nool dalka Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ayaa guul weyn ka gaaray dhanka fanka, ka dib markii riwaayaddii caanka ahayd ee "Dugsi Dayz" loo bedelay musalsal telefishin oo ka baxaya kanaalka caanka ah ee BBC-da. Musalsalkan cusub oo loo bixiyay Proper Ladies, ayaa gilgilay baraha bulshada sababo la xiriira qaabka qosolka iyo firfirconida leh ee loo jilay. Qoraaga caanka ah ee Sabrina Ali ayaa sheegtay in qaybtii ugu horreysay ee lagu baahiyay internet-ka ay durbadiiba heshay in ka badan 100,000 oo bogaadin ah, taas oo muujinaysa sida weyn ee loo soo dhoweeyay.
Sheekada oo soconaysa muddo 10 daqiiqo ah, waxay ku saabsan tahay afar gabdhodo oo dhigta dugsi diini ah, kuwaas oo lagu ciqaabay inay fariistaan qolka dambidhaafka ee iskuulka dhexdiisa. Halkaas waxaa ku dhex murgaya saaxiibtinimo, xafiiltan, iyo caasinimo dhalinyaronimo oo si xawaare leh u dhacaysa, iyadoo waxyaabaha yaryar ay u weynaanayaan sida caadada u ah dhalinyarada. Mid ka mid ah gabdhaha ayaa xitaa kiciya qalabka digniinta dabka si ay u qariyo arrin d dhexmartay iyada iyo maamulka iskuulka, taas oo keenaysa xaalad murgacasho iyo qosol leh.
Loolanka Afarta Gabdhood Iyo Caqabadaha Ay Wajahayaan
Gabadha koowaad ee lagu magacaabo Salma, oo ay jileyso Samira Tahlil oo markii ugu horreysay masraha soo gashay, waa ardayad tusaale u ah iskuulka oo isku deyaysa inay nidaamka ilaaliso laakiin ku fashilanta inay xakameyso saaxiibadeeda. Sabrina Ali lafteeda ayaa matalaysa Munira, oo ah gabadh iskuulka dhexdiisa ka maamusha ganacsi qarsoodi ah oo lagu iibiyo cabitaanka tamarta siiya dadka. Waxaa ku weheliya Yasmin oo ay jileyso Ebada Hassan, oo ah gabadh aad u jecel moodada, iyo Hani oo ay jileyso Kosar Ali, oo ah gabadh aamusan oo jecel qorista sheekooyinka khayaaliga ah.
Si loo helo jilayaashan, kooxda soo saartay musalsalka waxay isticmaaleen baaq furan oo lagu baahiyay aaladaha TikTok iyo Instagram, si fursad loogu siiyo dhalinyarada aan haysan khibrad hore oo dhanka jilitaanka ah. Sabrina Ali waxay rajaynaysaa in qaabkan majaajilada ah uu bedeli doono habka loo sawiro dadka madowga ah iyo kuwa Muslimiinta ah ee ku nool reer galbeedka. Waxay rumeysan tahay in marka dadku ku qoslaan dabeecada qofka, ay durbadiiba dhexdiisa ka aqoonsanayaan bini'aadamnimada iyado aan loo baahnayn in la baro cashar toos ah.
In kasta oo ay jiraan jacayl badan iyo taageero ay heleen, haddana gabdhahan jilayaasha ah waxay la kulmeen weeraro cunsuriyad iyo Islaam nacayb ah oo uga yimid baraha bulshada tan iyo markii uu musalsalku bilowday. Qaar ka mid ah jilayaasha ayaa xitaa go'aansaday inay ka fogaadaan isticmaalka baraha bulshada si ay naftooda u dhowraan. Sabrina Ali ayaa xustay in dhibaatadan ay muujinayso sida ay u yar tahay in dadka iyaga oo kale ah lagu arko telefishinka Ingiriiska, laakiin ay taasi tahay sababta dhabta ah ee keentay in barnaamijyadan oo kale la sameeyo.

0 Comments