Mucaaradka Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqay Bannaanbaxyo Toddobaadle Ah Oo Ka Dhacaya Muqdisho
Isbahaysiga ugu weyn ee mucaaradka Soomaaliya ayaa ku dhowaqay inay bilaabayyaan banaanbaxyo waaweyn oo todobaadle ah oo ka dhici doona magaalada Muqdisho laga bilaabo afar bisha Juun. Go'aankan ayaa yimid ka dib markii ay fashilmeen wadahadalladii u dhexeeyay dowladda federaalka iyo madaxda mucaaradka ee ku saabsanaa khilaafka baahsan ee ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka. Golaha badbaadada Soomaaliyeed ayaa sheegay in dibadbaxyadan ay dhici doonaan maalin kasta oo Khamiis ah ilaa laga gaarayo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Baaqan banaanbaxa ayaa laga soo saaray shir jaraa'id oo ay magaalada Muqdisho ku qabteen madaxda ugu sarreysa mucaaradka, oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, iyo Ra'iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre. Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dooday in muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo baarlamaankuba uu dhammaaday, wuxuuna xusay in doorasho kasta oo aan heshiis lagu ahayn aysan yeelan doonin sharciyad buuxda.
Muranka Ku Saabsan Muddo Xileedka Iyo Diidmada Waxkabedelka Sharciga
Mucaaradka ayaa si adag u diiday waxkabedelkii dhowaan lagu sameeyay dastuurka, kaas oo dowladda federaalku sheegtay in muddo xileedka hay'adaha dowladda lagu kordhiyay hal sano, laguna simay bisha May 2027. Sida ay qabaan hoggaamiyeyaasha mucaaradka, isbeddeladaas waxay ahaayeen kuwo hal dhinac ah oo aan lagu darin rabitaanka qaybaha kala duwan ee saamilayda siyaasadda dalka. Waxay sidoo kale dowladda ku eedeeyeen inay ciidamo u dirtay deegaanno ay ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo colaado, taas oo keentay dhimashada askar iyo saraakiil ciidan.
Dhanka kale, dowladda federaalka ayaa ku adkeysaneysa in dalku u guuro nidaamka doorashada ee qof iyo cod ah, si meesha looga saaro doorashooyinkii dadban ee mudada soo jiray. Laakiin mucaaradka ayaa rumeysan in hannaanka doorashooyinka tooska ah uu u baahan yahay hay'ado lagu kalsoonaan karo iyo is-afgarad dhexmara dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka. Saaxiibada caalamka, sida Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, ayaa marar badan ugu baaqay madaxda Soomaalida inay dib u bilaabaan wadahadalka si looga fogaado rabshado ka dhaca caasimadda.

0 Comments