Guddiga Doorashooyinka Oo Dib U Dhigay Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koofur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Oo Dib U Dhigay Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koofur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Oo Dib U Dhigay Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koofur Galbeed


Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay in dib loo dhigay doorashadii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed. Tallaabadan ayaa loo qaatay ka dib markii ay soo baxeen madauul ka dhashay natiijada doorashadii baarlamaanka gobolka, iyadoo guddigu uu sheegay inuu sugayo go’aan rasmi ah oo ku saabsan dib-u-eegis sharci oo ay samaynayso Maxkamadda Sare ee dalka.


Doorashadan oo markii hore loo qorsheeyay inay qabsoonto 18-ka May 2026, ayaa baaqatay si loo xaqiijiyo badbaadada iyo sharciyada hannaanka doorashada. Guddiga doorashooyinka ayaa caddeeyay inay u gudbiyeen Maxkamadda Sare codsi ku saabsan ansixinta natiijada, si waafaqsan sharciga doorashooyinka ee dalka u yaalla, kaas oo maxkamadda siinaya awoodda kama dambaysta ah ee dib-u-eegista kuraasta lagu muransan yahay.


Khilaafka Ka Taagan Natiijada Iyo Falcelinta Maxkamadda Sare

Haddaba, Maxkamadda Sare ee dalka ayaa soo saartay bayaan ay ku naqdinayso sheegashada guddiga doorashooyinka, iyadoo sheegtay inaysan weli helin wax natiijo rasmi ah oo ku saabsan doorashadii Koofur Galbeed. Is-maandhaafkan u dhexeeya guddiga iyo maxkamadda ayaa dhaliyay su'aalo cusub iyo shaki ku saabsan qaabka loo maareeyay doorashada gobolka, taas oo durbadiiba la kulmeysay dhaleeceyn xoogan oo ka sheegaysa dhanka xisbiyada mucaaradka.


Mucaaradka Koofur Galbeed ayaa si adag u gachay natiijadii hordhaca ahayd, iyagoo ku eedeeyay dowladda federaalka inay faragelin ku samaysay hannaanka doorashada si ay guushu u raacdo xisbiga talada haya ee cadaaladda iyo midnimada (JSP). Guddiga ayaa horay u sheegay in xisbiga JSP uu ku guuleystay 51 kursi, taas oo siinaysa awood weyn oo ay ku maamulaan golaha deegaanka iyo baarlamaanka cusub ee maamulkaas.


Arrimahan isbiirsaday ayaa loo arkaa inay wadada u xaarayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), uu waayo tartan adag oo ka hor yimaada doorashada madaxtinnimada Koofur Galbeed. Guddiga doorashada ayaa ballanqaaday inay dib u bilaabi doonaan jadwalka dhaarinta xildhibaanada iyo doorashada guddoonka marka ay helaan jawaabta rasmiga ah ee Maxkamadda Sare.

Post a Comment

0 Comments