Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa difaacday go’aankeeda ay ku xaddiday bannaanbaxyada mucaaradka ee ka dhacaya caasimadda Muqdisho, iyadoo sheegtay in ujeeddadu tahay ilaalinta amniga shacabka, adeegyada aas-aasiga ah iyo ka hortagga isku dhacyo siyaasadeed oo ka dhaca waddooyinka magaalada.
Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay in dowladda ay aqoonsan tahay xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta ee isu soo baxa nabadeed, hadalka iyo ka qeybgalka siyaasadda, balse ay waajib tahay in lagu fuliyo si sharci ah oo nidaamsan.
Goobta Bannaanbaxa iyo Khilaafka Siyaasadeed
Dowladdu waxay u qoondaysay garoonka Stadium Eng. Yariisow inuu noqdo goobta rasmiga ah ee bannaanbaxyada, iyadoo ku tilmaantay meel ku habboon isu imaatin nabadeed oo aan carqaladeyn nolosha shacabka.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, mucaaradka ayaa diiday goobtaas, isla markaana ku dhawaaqay in bannaanbaxyo lagu qabanayo ilaa 22 goobood oo kala duwan oo ku yaalla Muqdisho, taasoo dowladda ay ku tilmaantay qorshe khatar gelin kara amniga iyo kala qeybsanaan bulsho.
Dowladdu waxay sidoo kale ka digtay in bannaanbaxyo maalmo badan soconaya ay sababi karaan hakad ku yimaada adeegyada muhiimka ah, isla markaana ay halis gelin karaan nolosha ku dhowaad afar milyan oo qof oo ku nool caasimadda.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay sheegtay inay heshay warbixino amni oo muujinaya in kooxo hubeysan oo la xiriira siyaasiyiin mucaarad ah ay ku sugan yihiin qaybo kala duwan oo magaalada ah, taasoo sii kordhin karta xiisadda.
Dowladdu waxay si gaar ah u dhaliishay hadallo laga soo wariyay siyaasiyiin mucaarad ah oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Sharif Sheikh Ahmed, kuwaasoo ay ku tilmaantay kuwo kicin kara xaalad amni darro.
Sidoo kale, dowladda ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasadda inay dejiyaan hadalladooda, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo horseedi kara isku dhac waddooyinka ah.
Xiisaddan ayaa imaneysa xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka ee la xiriira arrimo ay ka mid yihiin barakicinta magaalada, burburinta dhismayaasha, doorashooyinka iyo dastuurka dalka.
Inkasta oo mucaaradku ku adkeysanayaan in bannaanbaxyadu yihiin kuwo nabadeed oo lagu difaacayo xuquuqda shacabka, haddana khilaafka labada dhinac ayaa muujinaya kala aragti duwanaansho sii xoogeysanaya oo saameyn ku yeelan kara xaaladda siyaasadeed ee dalka.
0 Comments