Kor u kaca Qiimaha Shidaalka iyo Saamaynta uu ku yeeshay nolosha Muqdisho

Kor u kaca Qiimaha Shidaalka iyo Saamaynta uu ku yeeshay nolosha Muqdisho

 Kor u kaca Qiimaha Shidaalka iyo Saamaynta uu ku yeeshay nolosha Muqdisho


Magaalada Muqdisho waxay ku waabariisatay xaalad dhaqaale oo aad u adag ka dib markii qiimaha shidaalka uu sare u kacay ku dhawaad 77% hal habeen gudaheed. Shidaalka oo horay loo iibin jiray 65 senti halkii litir, ayaa hadda gaaray $1.15, taas oo naxdin ku noqotay darawalada iyo dadka danyarta ah ee noloshoodu ku tiirsan tahay gaadiidka.

Kordhankan degdega ah ma ahan mid saameeyay kaliya kuwa baabuurta leh, balse wuxuu si toos ah u taabtay nolosha qoys kasta oo ku nool caasimadda. Markii uu shidaalku qaaliyoobo, waxaa hubaal ah inuu qaaliyoobayo qiimaha lagu raaco gaadiidka dadweynaha iyo mootooyinka Bajaajta, taasoo culays weyn ku ah ardayda iyo shaqaalaha maalin kasta u kala goosha magaalada.

Saamaynta Dagaalada Bariga Dhexe

Sababta rasmiga ah ee ka dambeysa kor u kacan ma ahan mid gudaha ka timid, balse waxay xiriir la leedahay xiisadaha ka aloosan Bariga Dhexe. Werarrada u dhexeeya Israa’iil, Mareykanka iyo Iran ayaa ruxay suuqyada caalamka, waxaana sare u kacay caymiska maraakiibta marta badda cas iyo marinka cadan, taas oo keentay in shidaalku qaaliyoobo.

Soomaaliya waxay si weyn ugu tiirsan tahay shidaalka laga keeno dibadda, taasoo ka dhigaysa dalkeena mid u nugul isbeddel kasta oo ka dhaca caalamka. Maadaama marinka Hormuz iyo Badda Cas ay yihiin meelaha ugu muhiimsan ee shidaalku soo maro, khatar kasta oo halkaas ka jirta waxay si toos ah u saameysaa qiimaha aan ku iibsanno shidaalka gudaha Muqdisho.

Maxaa xal u ah shacabka?

Dadka u kuur-gala arrimaha dhaqaalaha waxay ka digayaan in haddii xaaladdu sidan kusii socoto, ay keeni karto in qiimaha korontada iyo cuntada la keeno dalka ay iyaguna kor u kacaan. Tani waxay dhalin kartaa sicir-barar baahsan oo saameeya dhammaan qaybaha nolosha, maadaama korontada magaaladu ay ku shaqeyso matooro shidaal u baahan.

Ugu dambeyntii, waxaa lagama maarmaan ah in dowladda iyo ganacsatadu ay ka wada hadlaan sidii loo yareyn lahaa saameyntan. Shacabka Soomaaliyeed ee horay u la daalaa dhacayay nolosha adag, uma dulqaadan karaan culaysyo dhaqaale oo intan ka badan, waxaana loo baahan yahay qorshe lagu xasilinayo suuqa xilliyada ay jiraan qalalaasaha caalamiga ah.

 

Post a Comment

0 Comments