Madaxa Instagram oo Maxkamad Hortaagan Sababo la Xiriira Saamaynta App-ka ee Caafimaadka Maskaxda Dhalinyarada

Madaxa Instagram oo Maxkamad Hortaagan Sababo la Xiriira Saamaynta App-ka ee Caafimaadka Maskaxda Dhalinyarada

 

Madaxa Instagram oo Maxkamad Hortaagan Sababo la Xiriira Saamaynta App-ka ee Caafimaadka Maskaxda Dhalinyarada


Waxaa maanta, 11-ka Febraayo 2026, Adam Mosseri, oo ah madaxa Instagram, loo qorsheeyay inuu ka hor yimaado maxkamad ku taalla Los Angeles si uu u bixiyo markhaati ka dhan ah eedeymo sheegaya in naqshadda Instagram ay sabab u tahay dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda dhalinyarada.

Kiiskan ayaa ah mid muhiim u ah mustaqbalka sharciga ee shirkadaha warbaahinta bulshada, maadaama uu sheegayo in astaamaha Instagram, gaar ahaan muuqaalka “scroll aan dhammaad lahayn (endless scroll)”, ay keeneen in dadka yar-yar ay ku xirmaan app-ka muddo dheer, taas oo gacan ka geysatay walbahaar iyo xanuuno kale oo maskaxeed. Eedeysanaha, oo 20 jir ah, ayaa ku doodaya in astaamahani ay door wayn ka ciyaareen ku tiirsanaantiisa Instagram isagoo da’yar ah.

Qareennada dacwad-oogayaasha waxay sidoo kale soo bandhigeen dukumiintiyo gudaha ah oo ay sheegayaan inay muujinayaan in Instagram uu ka warqabay waxyeellada suurtagalka ah ee ay u geysan karto carruurta iyo dhalinyarada, isla markaana ma jirin kontorool waxtar leh oo waalidiinta u oggolaanaya inay ilaaliyaan carruurtooda.

Dhanka kale, shirkadda Meta, oo ah shirkadda iska leh Instagram, ayaa si adag u beenisay eedeymahaas. Waxay sheegtay in cilmi-baarista gudaha ay ujeeddadeedu tahay hagaajinta badbaadada iyo kontoroolka isticmaalaha, islamarkaana ay tahay mid ka mid ah dadaallada shirkadda ee lagu taageerayo dhalinyarada.

Kiiskan ayaa sidoo kale qeyb ka ah maxkamad weyn oo ay ku lug leeyihiin dacwado badan oo la mid ah kuwaan, taasoo laga filayo inay saamayn ku yeelan karto shuruucda iyo hababka shirkadaha tiknoolajiyadda ay u naqshadeeyaan barnaamijyadooda mustaqbalka. Waxaa sidoo kale la filayaa in Mark Zuckerberg, oo ah Maamulaha Guud ee Meta, uu markhaati ka noqdo kiiskan todobaadyada soo socda.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo dood caalami ah ay ka taagan tahay sida baraha bulshada u saameeyaan nolosha dhalinyarada, iyadoo dalal ay ka mid yihiin Australia ay xaddideen isticmaalka barahaas carruurta da’doodu ka yar tahay 16, halka wadamada kale sida Spain, Giriiga, Boqortooyada Ingiriiska iyo Faransiiska ay ka fiirinayaan tallaabooyin la mid ah.

Haddii maxkamaddu ka go’aamiso in shirkadaha tiknoolajiyadda ay yihiin kuwo mas’uul ka ah natiijooyinka caafimaad ee dhalinyarada, waxay taasi horseedi kartaa isbadal weyn oo ku yimaada shuruucda iyo qaab-dhismeedka warbaahinta bulshada ee adduunka.


Post a Comment

0 Comments