Arsenal oo heshiis xirfadeed la saxiixday wiil Soomaaliyeed: Maalik Hashi oo taariikh cusub dhigay
Muqdisho (HOL) – Kooxda kubadda cagta ee caanka ah ee Ingiriiska, Arsenal, ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in khadka dhexe ee asal ahaan Soomaali ah, Maalik Hashi, uu saxiixay heshiiskiisii ugu horreeyay ee xirfadeed. Tani waa tallaabo weyn oo ka tarjumaysa horumarka ciyaaryahanka 17-jirka ah iyo dadaalkii uu ku soo maray akadeemiyadda kooxda.
Hashi, oo ku soo koray nidaamka dhalinyarada ee Arsenal, ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee asal Soomaali ah ee ku biira akadeemiyadda kooxda isla markaana gaara heer heshiis xirfadeed. Tani waxay astaan u tahay horumar taariikhi ah oo u soo hoyday bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada ku nool qurbaha.
Wiilkan oo ku dhashay England kana soo jeeda waalidiin Soomaali ah, ayaa xilli ciyaareedkan sameeyay horumar muuqda. Inta badan wuxuu ka ciyaaraa khadka dhexe, isagoo qaata doorka ay macallimiintu ku tilmaamaan “destroyer” – ciyaaryahan jebiya weerarrada kooxda ka soo horjeeda, isku xira difaaca iyo khadka dhexe, isla markaana dejin kara xawaaraha ciyaarta.
Isagoo ka hadlayay xarunta tababarka ee Arsenal, Hashi wuxuu sheegay in guushani aysan ahayn mid isaga kaliya quseysa, balse ay tahay mid uu la wadaago qoyskiisa. Wuxuu xusay in safarkiisu ka bilaabmay beerta gurigooda, halkaas oo uu kubadda kula tababaran jiray aabbihii, ka hor inta uusan ku biirin Arsenal.
Xilli ciyaareedkan, Hashi wuxuu saftay 19 kulan oo uu u ciyaaray kooxaha akadeemiyadda, inta badan kooxda Under-18. Waxa kale oo uu laba kulan ka ciyaaray tartanka UEFA Youth League (Under-19) iyo hal kulan oo uu u saftay Under-21 ee tartanka Premier League 2.
Ciyaartoyda akadeemiyadda Ingiriiska waxay xaq u leeyihiin inay saxiixaan heshiis xirfadeed marka ay gaaraan 17 sano. Inkasta oo Arsenal aysan shaacin muddada heshiiska, badanaa heshiisyada noocan ah waxay socdaan ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka hadda jira iyo laba xilli oo dheeraad ah, taasoo la micno ah in Hashi uu kooxda sii joogi karo ilaa 2028.
Heshiiskan xirfadeed wuxuu muujinayaa in xilli ciyaareedkan uu ahaa mid jebin ah oo u horseeday Hashi heer cusub. Waa sheeko dhiirrigelin u ah dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed oo ku hamiyaya inay ka dhex muuqdaan masraxa kubadda cagta caalamka.

0 Comments