Soomaaliya iyo Doorkeeda Cusub ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay

Soomaaliya iyo Doorkeeda Cusub ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay

Soomaaliya iyo Doorkeeda Cusub ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay


Isniintii, Soomaaliya waxay gaartay guul taariikhi ah kadib markii ay markii ugu horreysay tan iyo 1972 hoggaamisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Hoggaamintan waxay astaan u tahay dib-u-soo-noqoshada Soomaaliya ee masraxa siyaasadda caalamiga ah, iyadoo muujinaysa horumarka dalka ka gaaray dib-u-dhiska dowladnimada iyo xiriirka caalamiga ah.

Kulanka heer sare ah ee ay Soomaaliya guddoomisay wuxuu diiradda saaray xoojinta iyo horumarinta sharciga caalamiga ah, gaar ahaan doorka uu ku leeyahay ilaalinta nabadda iyo amniga dunida. Inkasta oo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud la filayay inuu shirkan hoggaamiyo, haddana cimilada daran ee Mareykanka awgeed safarkiisii waa la baajiyay, waxaana beddelay Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Ambassador Abukar Daahir Cismaan Baalle.

Kulankan ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah, maadaama uu xusuusinayo doorkii firfircoonaa ee Soomaaliya ku lahayd siyaasadda caalamiga ah xilligii hore. Ergada Soomaaliya waxay adkeeyeen baahida loo qabo in Axdiga Qaramada Midoobay dib loo xoojiyo, isla markaana dalalka caalamku u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah si loo helo caddaalad iyo nabad waarta.

Mas’uuliyiin caalami ah oo muhiim ah ayaa kulanka ka hadlay, oo ay ku jiraan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, Guddoomiyaha Midowga Afrika Mahmoud Ali Youssouf, iyo Abdulqawi Yusuf oo hore uga tirsanaa Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah. Hadalladooda waxay xoogga saareen baahida loo qabo in Golaha Ammaanku si dhab ah u gutaan waajibaadkooda.

Doodaha kulanka waxay sidoo kale taabteen arrimaha la xiriira dib-u-habeynta Golaha Ammaanka, si uu u noqdo mid matalaad iyo waxtar badan leh. Waxaa la soo jeediyay in hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya sharciga iyo caddaaladda la xoojiyo si loo gaaro natiijooyin la taaban karo.

Bishan Janaayo 2026, Soomaaliya waxay hayaa madaxtinimada wareegta ah ee Golaha Ammaanka, taas oo u oggolaanaysa inay hoggaamiso ajandaha muhiimka ah ee caalamiga ah. Tani waa fursad cusub oo ay Soomaaliya ku muujin karto sida ay uga go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta caalamiga ah, ilaalinta sharciga, iyo kor u qaadista nabadda dunida.


 

Post a Comment

0 Comments