Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar oo Kulan Muhiim ah ku yeeshay Qaahira
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa dalka Masar, Dr. Badar Cabdulcaati, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta Masar. Kulankan ayaa ka dhacay magaalada Qaahira, isagoo dhinac socday Shirka Wasiirrada ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika (Russia–Africa Partnership Forum).
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah sida horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga, amniga, iyo xasilloonida gobolka. Labada wasiirba waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay dhisidda iskaashi wax ku ool ah oo horseeda xasillooni waarta iyo horumar joogto ah.
Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa uga mahadceliyay Dowladda Masar taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo xaqiijiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta wada shaqeynta Qaahira, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, amniga, iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah. Wuxuu sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay iskaashi heer gobol ah oo mideysan si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni muddo dheer ah.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Dr. Badar Cabdulcaati, ayaa bogaadiyay horumarka wanaagsan ee xiriirka Soomaaliya iyo Masar, isaga oo mar kale adkeeyay in Masar ay ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal. Waxa uu xusay in dib u dejinta xarunta safaaradda Masar ee Muqdisho ay door muhiim ah ka qaadan doonto adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo fududeynta wada shaqeynta labada dowladood.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay xaaladda amni ee gobolka, iyadoo Masar ay mar kale xaqiijisay taageerada ay u hayso xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika. Wasiirradu waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda sii wadista maalgelinta caalamiga ah ee Hawlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (OSSOM), si loo hubiyo waxqabadkiisa iyo guushiisa.
Ugu dambeyntii, labada wasiir waxay si wadajir ah u adkeeyeen baahida loo qabo xoojinta iskaashiga lagula dagaallamayo argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha wata, iyagoo ku baaqay in la kordhiyo isuduwidda heer gobol iyo mid caalami ah si looga hortago khataraha halista ku ah nabadda iyo amniga gobolka.
Kulankan ayaa muujinaya sida ay Soomaaliya iyo Masar uga go’an tahay dhisidda xiriir adag oo ku saleysan dan wadaag, iskaashi istiraatiiji ah, iyo ka shaqeynta nabad waarta oo gobolka oo dhan ah.

0 Comments