Ramla Ali oo Abaalmarin Sare ka Heshay Muqdisho

Ramla Ali oo Abaalmarin Sare ka Heshay Muqdisho

 Ramla Ali oo Abaalmarin Sare ka Heshay Muqdisho


Ramla Said Ahmed Ali, gabadha Soomaaliyeed ee taariikhda ku gashay ciyaaraha feerka caalamiga ah, ayaa la guddoonsiiyey Biladda Sharafta ee uu bixiyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab). Abaalmarintan ayaa la siiyey Ramla iyadoo lagu maamusayo guulaha ay ka gaartay caalamka iyo sidii ay kor ugu qaaday magaca Soomaaliya.

Ramla Ali waa ciyaaryahankii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed ee ka qayb gasha ciyaaraha Olombikada, waxayna dhawaan sidoo kale ka heshay shahaado sharaf Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey doorkeeda muhiimka ah ee dhiirigelinta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo muujinta kartida haweenka Soomaaliyeed.

Ramla oo 35 jir ah, waxay ku tartantay Olombikada Tokyo 2020, waxaana safarkeeda ciyaaraha feerka uu ka bilaabmay London, halkaas oo ay ku guuleysatay koobab badan. Waxay noqotay astaanta adkaysiga, rajada iyo midnimada Soomaaliyeed.

Post a Comment

0 Comments