Madaxweyne Xasan Sheekh: Doorashooyinka Soomaaliya Waa Inay Ku Qabsoomaan Waqtigooda
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday inuusan qorsheynin kordhinta muddo-xileedkiisa, isagoo ballan qaaday in doorashooyinka qaranku lagu qaban doono waqtigooda. Madaxweyne Xasan ayaa wareysi uu siiyey BBC ku sheegay in xilkiisu ku egyahay 15-ka May, 2026, isla markaana uu diyaar u yahay inuu awoodda si nabad ah u wareejiyo haddii uu ku guuldareysto doorashada.
Madaxweynuhu wuxuu qiray in khilaafaad siyaasadeed ay ka jiraan dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, balse wuxuu muujiyey rajo ah in wada-hadal iyo isu-tanaasul la gaari doono. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Puntland iyo Jubbaland lagu soo dari doono miiska wada-xaajoodka si loo helo doorashooyin loo dhan yahay.
Himilada ugu weyn ee maamulka Xasan Sheekh waa in Soomaaliya loo gudbiyo nidaamka “hal qof, hal cod” iyo dhammaystirka dastuurka kumeel-gaarka ah, taas oo loo arko tallaabo muhiim ah oo lagu xoojiyo dowladnimada iyo kalsoonida shacabka.

0 Comments