Madaxweyne Axmed Madoobe oo Kismaayo Ku Qaabilay Danjiraha Midowga Afrika si Ay Uga Wada Hadlaan Ammaanka iyo Dagaalka Ka Dhanka ah Argagixisada
Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee Kismaayo ku qaabilay Danjiraha Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, El Hadji Ibrahima Diene, iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, ammaanka Jubaland iyo dalka intiisa kale, iyo dadaallada socda ee lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada gaar ahaan Al-Shabaab. Danjire Diene ayaa si gaar ah u bogaadiyay guulaha dowladda Jubaland ay ka gaartay xoraynta deegaannada ay Al-Shabaab ka joogeen, iyo sidii loo xasillin lahaa goobaha laga saaray.
Wuxuu si cad u sheegay in ciidamada Jubaland ay muujiyeen karti, xirfad, iyo waxqabad muuqda oo muhiim u ah nabadda Soomaaliya. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Midowga Afrika taageerada joogtada ah, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga amni ee u dhaxeeya Jubaland iyo beesha caalamka.
Kulankan ayaa yimid xilli uu weli jiro xiisad xooggan oo ka taagan gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Balad Xaawo, halkaas oo dhowr jeer ay isku dhaceen ciidamo ka kala tirsan Jubaland iyo Dowladda Federaalka, taasoo sababtay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, iyo dhibaatooyin soo gaaray shacabka deegaanka.

0 Comments