Algeria iyo Soomaaliya oo Heshiis Ku Gaadhay Xoojinta Iskaashiga Dhaqaale iyo Siyaasadeed
Intii lagu jiray booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Algeria, Axmed Attaf, ee magaalada Muqdisho, labada dal ee Algeria iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiay in la dhiso guddi dowladeed oo wadajir ah si loo xoojiyo iskaashiga dhaqaale iyo in la sameeyo hab rasmi ah oo lagu wada-tashado arrimaha siyaasadda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Algeria Axmed Attaf iyo dhiggiisa Soomaaliyeed Cabdelsalaam Cabdi Cali ayaa saxiixay heshiisyo ballaarinaya xiriirka labada dhinac ee ganacsiga, waxbarashada, beeraha, iyo diblumaasiyadda. Heshiisyadaas ayaa sidoo kale ka koobnaa iskaashi ku saabsan tababaridda diblomaasiyiinta, horumarinta barnaamijyada waxbarashada xirfadaha iyo tacliinta sare, iyo dhiirrigelinta maalgashiga qaybaha muhiimka ah sida beeraha, kalluumeysiga badda, iyo dhoofinta hilibka casaanka.
Wasiirka Attaf ayaa sheegay in labada dal ay qorsheynayaan in la qeexo meelaha iskaashiga oo lagu saleynayo mudnaanta horumarineed ee labada wadan, isagoo carabka ku adkeeyay beeraha, waxbarashada sare, iyo tababarka xirfadaha inay yihiin arrimaha ugu muhiimsan ee iskaashiga. Waxa uu intaas ku daray in Algeria ay ka go’an tahay “xoojinta xidhiidhada taariikhiga ah” ee labada wadan, oo ku dhisan “fahanka, is-xilqaan, iyo kalsooni wadajir ah.”
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa isaguna ballan qaaday in la balaadhin doono is-weydaarsiga aqoonta, ganacsiga, iyo maalgelinta wadajirka ah ee faa’iidada u leh dhaqaalaha labada dal.
Labada dal ayaa sidoo kale muujiyay qanacsanaantooda ku saabsan heerka sare ee isku duwidda ay ku leeyihiin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyagoo ah xubno ku-meel-gaadh ah—Algeria xilka hayey laga bilaabo Janaayo 2024 ilaa Diseembar 2025, Soomaaliya-na bilaabi doonta xilka Janaayo 2025 ilaa Diseembar 2026.
Wasiirka Attaf ayaa mar kale ku celiyay taageerada Algeria ee dadaallada Soomaaliya ee lagu soo celinayo nabadda iyo xasiloonida, isagoo sheegay inay tahay mowqif taariikhi ah oo qoto dheer, ayna aaminsan yihiin in xasiloonida Soomaaliya ay muhiim u tahay nabadda Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika.
0 Comments