Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqday magaalada taariikhiga ah ee Carta ee dalka Jabuuti
![]() |
Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo safar shaqo ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta booqday magaalada taariikhiga ah ee Carta oo ahayd halkii ay ka dhalatay Jamhuuriyaddii Saddexaad ee Soomaaliya sanadkii 2000.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray goobo kala duwan oo ku yaalla magaalada Carta, gaar ahaan goobtii uu shirku ka dhacay sanadkii 2000, waxaana laga hirgeliyay madxaf weyn oo lagu keydiyo dhammaan taariikhda shirka iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray.
Mudane Xamza ayaa uga mahad celiyay dowladda iyo shacabka Jabuuti doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan dhismaha qarannimada Soomaaliya, isagoo ku ammaanay dhismaha madxafka lagu keydiyo taariikhda shirka, si jiilalka dambe ay u raadiyaan taariikhda shirkaas.

0 Comments