Sahanka xeebaha ayaa lacag dhan $1.4 milyan ugu deeqay dadka ay abaaruhu saameeyeen.

sahanka xeebaha oo lacag ugu deeqday.
Sahanka xeebaha ayaa lacag dhan $1.4 milyan ugu deeqay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee Soomaaliya, shirkadan ayaa dalkaeena soomaaliya madaxdiisa ugu saraysa lagashay heshiis shidaal baaris ah oo xeebaha laga baarayo shidaalka, hadii shidaalka lagasoo saaro dalkeen ama khayraadka ku kaydsan dhamaantood waxaynu gaari lahayn barwaaqo sooranka dalal ah ee dunida dhaqaalaha fiican haysta.


Isagoo iftiimiyay ku dhawaaqistii shirkadda baadhista shidaalka iyo gaaska ee Maraykanka ee Coast Line Exploration, inay ku deeqayso 1.4 milyan oo dollar si loogu caawiyo 6000 qoys oo Soomaali ah oo ay abaaruhu saameeyeen, shirkadan ayaa markiiba kaqayb qaadatay caawinta dadka soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen, taasna waxaa la odhan karaa waa sababtii soomaali heshiis ah caalamkana la heshiis ah ee ahayd hal kudhigii xasan sheekh maxamuud.


Isagoo hoosta ka xariiqay in gargaarkan la gaarsiin doono saddex gobol oo Soomaaliyeed, kuwaasoo kala ah “Barawi” oo ka tirsan maamulka Koonfur-galbeed, “Hobyo” oo Galmudug ah iyo “Kismaayo” oo Jubbaland ah, dalka ayaa waxaa kasocda dedaalo iyo gurmad joogto ah oo ay wado xukuumada uu hogaamiyo xasan sheekh maxamuud oo ah madaxwaynaha dalka soomaaliya ee mudada yar ee uu xilka hayey hagaajiyey waxyaabo badan.


Isagoo hoosta ka xariiqay in 2,000 oo qoys oo ku nool degmo kasta ay heli doonaan lix nooc oo cuntooyinka aasaasiga ah oo ay ka mid yihiin sonkor, bariis, bur, saliid, baasto iyo caano, isagoo hoosta ka xariiqay in arrimahan oo dhan ay sabab u tahay madaxweyne xasan sheekh maxamuud oo wanaajiyay xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka oo dhan, madaxwayne xasan sheekh ayaa ah mid ku fiican xiriirka caalamka iyo isusoo dhawaynta soomaaliya labadaba.

 

Post a Comment

0 Comments