maanta iyo xaflada xasan sheekh maxamuud.

diyaarinta xaflada
Dhamaan wadamada iyo ururada aduunka ayaa kasoo qayb galaya xaflada caleema saarka madaxweynaha, Waxaa xusid mudan in xaflada ay ka soo qeyb galayaan wadamada dariska ah sida Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Kenya, Madaxweynaha Jabuuti, Wadamo badan oo Carbeed sida Ra’iisul Wasaaraha Masar iyo Wafuud ka kala socota Sacuudiga, Qatar iyo Imaaraadka, iyo Aasiya sida Malaysia. iyo wadamo kale.


Isagoo carrabka ku adkeeyay in Madaxweyne Sheekh Maxamuud uu ka shaqeynayo horumarinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dhammaan dalalka caalamka kadib go’doonkii caalamiga ahaa ee ay soo martay xilligii dowladdii ugu dambeysay.  Si loo iftiimiyo in Madaxweyne Sheekh Maxamuud uu u furan yahay iskaashi uu la yeesho dhammaan dalalka caalamka si loo gaaro danaha Soomaaliya dhinac walba, haddii ay ahaan lahayd mid siyaasadeed ama mid dhaqaale.


Isagoo caddeeyay in tirada ka qaybgalka shisheeyaha ay xaqiijinayso isbeddelka muuqda ee ku yimid dowladnimada Soomaaliya iyo rabitaanka dalalkan ee ah xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya madaxwayne xasan sheekh maxamuud ayaa sifiican usoo celiyey xidhiidhkii soomaaliya lalahayd caalamka gaar ahaan dawladaha carabta iyo dalalka deriska ah oo dhamaantood si buuxda ugu heelan soomaaliya hada.


waxaa laxidhay waddooyinka caasimada soomaaliya ee muqdisho iyadoo sababtu tahay xaflada
caleema saarka madaxwayne xasan sheekh maxamuud taas oo ay kasoo qayb galeen weftiyo badan oo caalami ah iyadoo aad shacabka soomaaliyeedna usoo dhawaynayaan caleemo saarka xaflada mudane xasan sheekh maxamuud oo dalka markii labaad hogaaminaya loogana bartay horumarka

dalka iyo sugida amniga.

 

Post a Comment

0 Comments