Talaado, April, 12, 2022 (HOL) - Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali, ayaa ku guulaystay kursiga tirsigiisu yahay HOP ee barlamaanka aqalka hoose oo doorashadiisa,ka qabsoontay Magaalada Jowhar ee Hirshabeelle,Xildhibaan Cosoble ayaa kamid noqonaya xildhibaannada mar kale kusoo laabtay barlamaanka Soomaaliya, isagoo dhinaca kale qeyb ,ka ah dadka aadka ugasoo horjeeda siyaasada madaxweyne Farmaajo dalka ku hoggaaminayay shantii sano.
Cabdiqaadir Cosoble ayaa ka helay doorashada xalay ka dhacday magaalada Jowhar, 76-cod halka Cabdikariim Tifow oo kursiga kula tartamayay,uu helay 22-cod. 3 cod ayaa xumaaday,Maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle oo lagu tiriyo inay saaxiib dhow la yihiin villa Soomaaliya, ayaa waxaa kasoo baxay siyaasiyiinta ugu,mayalka adag dhinaca mucaaradka.
Cabdiqaadir cosob waxaa kale uu yahay musharx utartamaya ,kusiga usareeya ee dalka ,kaas oo shaaciyey, sanadkan waxaa uu kamid yahay musharaxiin badan ee xilka madaxwaynaha safka ugu,jira isagoo ah weliba ah siyaasi inbadan siyaasada kusoo dhexjiray fahamsana, waxyaaba badan,cabdiqaadir cosoble waxaa uu ahaa mucaarad aadka ugusoo horjeeday farmaajo, dhaliilana jiaray.

0 Comments